Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA
    Somalia

    MADAXWEYNE FARMAJO OO BOOQASHO LABO MAALMOOD AH AY UGA BILAABMATAY DALKA ERETERIYA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Asmara, Oktoobar 4, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah.

    Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya.

    Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

    Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal.

    Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.

    DHAMMAAD
    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.