Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Faroole muxuu ka badali doonaa xaalka cakiran ee Kismaayo!!!!
    Somalia

    Madaxweyne Faroole muxuu ka badali doonaa xaalka cakiran ee Kismaayo!!!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 15, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Magaalada Kismaayo waxaa gaaray Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole,oo soo dhaweyn diiran oo ay hormuud ka ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa Jubaland loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas,iyadoo soo dhaweynta kadib loo galbiyay Guriga Martida ee aadka uqurxoon maamulkiisana uu hayo wiilka ay walaalaha yihiin Madaxweyne Axmed madoobe.
     
    Tagitaanka kismaayo ee Madaxweyne Faroole ayaa ka danbeeyay casuumad uu ka helay Madaxweyne Axmed Madoobe.
     
    Hadaba tagida kismaayo ee Madaxweyne Faroole ayaa xogo dheeriya kasoo baxayaan,kuwaasoo qaar ay sheegayaan in uu qayb ka qaadan doono daminta xaalad isfahan waa ah oo soo kala dhexgashay Axmed Madoobe iyo Beesha harti,sidoo kale xogo kale ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Faroole utagay Kismaayo arimaha Dastuurka Fadaraalka oo markan ay soo food saartay xaalad adag.
     
    Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan xaalad cakiran oo ka dhaxaysa maamulka iyo beesha Harti,taasoo ku saabsan dhismaha Golaha Deegaanka magaalada oo la qorshaynayo in dhawaan ladhiso.
     
    Madaxweyne Axmed ayaa qorshaynaya in uu Magaalada kismaayo u dhiso Gole Deegaan oo hab beeleed lagu soo xulay, kuwaasoo iyaguna dooran doona Duqa Magaalada.si barnaamijyada horumarinta ay usoo gaaraan kismaayo.balse waxaa muran ka taagan yahay sida loo qaybsanayo Golahaas,
     
    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa raba in uu ka dhigo Golaha Deegaanka kismaayo 27-Xubnood ,isla markaana uu beesha Harti oo ah tan ugu badan ee deegaan ahaan degta Magaalada uu siiyo 9-Xubnood,balse beesha Harti ayaa soo jeedintaas ku gacan sayrtay sheegtayna in aysan aqbalayn wax ka yar sadex meelood oo laba meelood xubnaha Golaha Deegaanka.
     
    Dhanka kale waxaa horay magaalada kismaayo uga taagnaa dhibaato xoog leh oo ka imaanaysa Ciidamada iyo guud ahaan beesha Ogaden oo weerar qaawan oo ku habsasho dhuleed ah ka bilaabay Magaalada tan iyo intii ay gacanta ku dhigeen maamulkeeda.
     
    Waxaa xusid mudan in dadka ugu badan ee ay saamaynta ku yeelatay dhaca qaawan ee Beesha Ogaden ay ku hayso dhulka kismaayo ay tahay beesha Harti oo ah dadka ugu badan ee iska leh dhulka banaan iyo kan dhisan ee Magaalada Kismaayo.
     
    Madaxweyne Faroole ayaa maanta ka qaybgalay soo xiritaankii kala fadhiga Baarlamaanka Jubaland oo maanta lasoo afmeeray,sidoo kale waxuu xalay kulan la qaatay albaabadu uxirnaayeen Madaxweyne Axmed madoobe.
     
    Madaxweyne Faroole ayaa la kulmi doona waxgaradka magaalada,gaar ahaan kuwa beesha Harti iyadoo la filayo in uu dhexdhexaadin ka bilaabo Axmed madoobe iyo Beesha Harti.
     
    Dadka Kismaayo ayaa qaba waxa ugu weyn ee uu soo kordhin karo socdaalka Madaxweyne Faroole ee Kismaayo in ay tahay labo arimood midkood ,kuwaasoo kala ah:-
     
     
    B.In wada xaajoodka uu la galayo Axmed Madoobe uu ugu gudbiyo si cad dhibka ka taagan Kismaayo oo waliba beeshiisu ay ku hayso beelaha kale,isla markaana Axmed Madoobe uu ku khasbo in uu si la taaban karo wax uga qabto.
     
    T.In ugu yaraan uu indhihiisa kusoo arko xaalada ka taagan Magaalada oo aan dibada dalka laga ogayn,isla markaana uu codkiisa si cad ugu biiriyo in Kismaayo ay ka jirto xaalad adag madaama uu yahay masuul samayn xoog ah leh.
     
     
    Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaa lakala ogaan doonaa booqashada Faroole waxay Kismaayo ka badashay ama kusoo siyaadisay.
    Jibril Qoobey.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.