Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo furay fadhiga baarlamaanka Puntland Ee 40-aad
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo furay fadhiga baarlamaanka Puntland Ee 40-aad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga  40-aad ee Golaha Wakiilada dawadda Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, , xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

    Madaxweynaha dawladda Puntland oo khubadiisa dastuuriga ahka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland   ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka dawladda  ee u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2017.

    Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ay ka gaadhey arrimaha amaanka waxaana uu yidhi Madaxweynuhu.

    “Mudanayaal, sida aan wada ogsoonahay guud ahaan xaaladda Amni ee Puntland ee Bilaha Luulyo, Agoosto iyo Sibteembar 2017-ku waa wanaagsanayd, waana deganayd; Hase yeeshee maaddaama ay Punland ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa marar badan ka dhacay falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geysteen kooxaha argaggixisada ah (Alshabaab iyo Daacish) iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la-qabtay, Dagaalkii Af-ururiyo mirtii Kontroroolka Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    “Mudanyaal, Waxay Dawladdu amartay in hay’adaha amnigu adkeeyaan ilaalinta xeebaha Puntland, taasoo suuro galisey in 23/09/2017 la qabto dooni siddey hub, waxayna Dawladdu fartay laamaha amniga hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha dalka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    “Waxay Dawladdu keentay Shaybaar lagu baarayo dhiiga iyo unugyadiisa (DNA) laguna rakibay caasimadda Puntland ee Garowe, wuxuuna Ciidammada CID-da ka caawin doonaa danbi-baarista iyo sugidda xogta danbiilayaasha” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Waxayna ciidammada Puntland hadda ku wajahan yihiin aagagga ay Argaggixisadu kaga sugan yihiin buuraleyda, si looga nadiifiyo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ku guulaysatey Mashruuca RCRF kaas oo u jeedkiisu yahay tayanta shaqaalaha dawladda oo bangiga aduunku ka caawinayo Puntland.

    “Waxaa lagu  guuleystay Mashruuca RCRF-II ee uu naga caawiyay Bangiga Aduunku  in uu bixiyo sanadkaan laga bilaabo January 2017 ila iyo September lacag dhan $ 671,912.50 oo lagu bixinyay mushaarka  75 shaqaale Dawladeed oo laga shaqaaleysiiyay  Ha’adaha Dawlada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    “Sidoo kale Wasaaraddu waxay ku guuleysatay Mashruuca RCRF-II in uu bixiyo mushahaaraadka macalimiinta Wasaaradda waxbarashada lacag dhan $ 387,391.21.  Waxaana bixinay mushahaaraadka macalimiin gaaraysa 2,117 oo kala jooga sagaalka gobol ee Puntlandwaxayna Wasaaraddu kabtay  mushahaarkooda 20%,  oo gaaraysa lacag kor u dhaafaysa   $100,000” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay wax yaabihjii xukuumadda dawladda Puntland u qabsoomay muddadii u dhexaysey kalfadhiga ee 39-aad iyo kan 40-aad , waxaana ka mid ahaa arrimaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Kaluumeysiga Puntland, Ganacsiga, Garoomada Puntland, Hawlaha Guud iyo Waddooyinka, Arrimaha Gudaha, Barakacayaasha, Xaaladda Roob Yaridda iyo Abaaraha, Arrimaha Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Beeraha, Qorshaynta, Arrimaha Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Arrimaha Haweenka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyoWadada Garowe – Gaalkacyo,

    Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi iyo dhammaan masuuliyiinta kale ee ka hadashay furitaanka kalfadhiga ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedhay nidaamka dawliga ah oo hagaaga, iyagoona xusay in Puntland tahay hormuud ka maanta Soomaaliya lagaga dayan karo wax kasta oo horumara.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland waxaana uu Guddomiyuhu xooga ku saaray khudbddiisa arrimo la xidhiida dastuurka Soomaaliya iyo wax qabadkii Golaha Fulinta Puntland u qabsoomay muddadii u dhexeysey labada kalfadhi.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.