Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti sare oo ka socda Qaramada Midoobey
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti sare oo ka socda Qaramada Midoobey

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 29, 2018Updated:May 29, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

    Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

    Kulankan maanta uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

    Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

    Sidoo kale Peter De  Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

    Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Dawladda Puntland-na ay ka gurmatay amuurtaasi intii taagteeda ah,  balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ay Dawladda Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.

    —DHAMMAAD–

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.