Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Bosaso
    Somalia

    Madaxweyne Gaas Oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Bosaso

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 12, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay  magaalada Kismaayo ayaa maanta 12 October 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

    Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakisha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabadoono, waxgarad, aqoon yahano iyo qaybaha kal duwan ee bulshada.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo markii uu soo gaadhay Magaalada Boosaaso lahadlay warbaahinta ayaa ugu mahadnaqay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyey isaga iyo weftigiisa, isla markaana isaga oo sharaxaya shirkii wadatashiga ee magaalada Kismaanyo waxaa uu yidhi

    “Shirka wada tashi ee dawaladdaha xubnaha ka ah DFS wuxuu ahaa shir Soomaali, wuxuu ahaa shir wanaagsan, shir u jeedadiisu ahayd midaynta iyo isu duwidda dawaladdaha xubnaha ka ah DFS  si ay iyagu aragti midaysan uga yeeshaan xaqiiqda ka jirta Soomaaliya,  xasilinta Soomaaliya, raadinta dawladdnimadii Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin inay ka qaataan wixii dano ah ee iyaga dhexdooda ahna ay iska kaashadaan.

    “Shirka waxaa kasoo baxay saad la socotaan gole ay ku midaysan yihiin dawladdaha xubnaha ka ah Daladda Federalka Soomaaliya oo ay si joogta ah arrimahooda uga wada hadli doonaan iyagoona si dhow ula shaqayn doona dawladda Fadaraalka Soomaaliyeed , kana shaqayn doona sidii dalkan loo xorayn lahaa oo cadawga looga xorayn lahaa, sidii dalka loo xasilin lahaa, sidii dalkan dhab ahaan loo gaadhsiin lahaa meesha uu istaahilo aragtidu taa uun weeye” ayuu yiri Madaxweynahaha dawladda Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirka Kismaayo uu ahaa mid aan lahayn wax shiddo ah ama xanaf ah, balse uu ahaa fikir saliima oo wanagsan, kaasi oo dan u ah maslaxadda ummada Soomaaliyeed, cid gaarana aanu u ahayn dan ee uu ahaa dan caama oo Soomaaliyeed.

    Sidoo kale Madaxweyanaha oo si kooban uga hadlay wareejinta Dekada magaalada Boosaaso ayaa ku bogaadinayo masuuliyiinta ka shaqaysay wareejinta dekedda magaalada Boosaaso shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryey shacabka reer Puntland iyo dawladdoodaba inuu mashruucani khayr u noqdo, isla markaana uu noqdo mid lagu guulaysto.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa kahor inta aanay kasoo kasoo kicitimin magaalada Kismaayo waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusii sagootiyey  Madaxweynaha Jubbaland Mudane. Axmed Maxamed Islaan iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulka Jubbaland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland, wax garad iyo masuuliyiin kale.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.