Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo soo afmeeray shirkii dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo soo afmeeray shirkii dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya aanu kusoo bixin si sahal ah, loogana tashtay qodob qodob iyo xaraf xaraf illaa iyo saacadihii ugu danbeeyey ee uu shirku socdey..
     
    “Runtii waxay ahayd shan beri oo wada hadal adag ah, tashi adag ah, Warmurtiyeedku ma ahayn wax sahal kusoo baxay qodob qodob iyo xaraf xaraf ayaan illaa saacadihii u danbeeyey ka wada hadlayney waxaad garan kartaan dedaalka galay in uusan yarayn,
     
    ‘Warmurtiyeedka sida aan u dhignay waa aragtidii saxa ahayd ee aannu qabney, kana aragno fulintoodu inay ku jirto maslaxadda danta dalka iyo dadku, Madaxweynayaashu markay isu yimaadeen midba duruuf gaar ah iyo axwaal gaar ah oo ku xeeran ayuu sheegtay, lakiin taas meel gaar ah ayaan iska dhignay, waxaan ka hadlayney mar walba waxa danta guudi ku jirto” ayuu yiri Madaxweynuha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale,
     
    Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay marka laga yimaado warmurtiyeedka in goluhu diyaar u yahay inuu u dedaalo sidii dalka dhibta looga saari lahaa, isla markaana ay dowladd goboleedyadu u fulin lahaayeen wixii lagu heshiiyey.
     
    Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in haddii Dowladda Fadaraalku dhankeeda wax gaara u mooddo dan ay dalka u tahay guuldaro, sidaasi si lamidana dowladda goboleeyadu iyana inaanay dano gaara meel ku gaadhi karin. Madaxweynaha Dowladda Puntlnad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haddii Dowladda fadaraalka ahi ay damacdo inay iyado wax gaara danmoodo, meel gaarana la aaddo lama gaarayo, iyana ma guulaysanayaan, dalkuna waa guuldaraysanayaa, sidoo kale dowladd goboleeyda ,
     
    Waxaa la rabaa inaan iswaydiino waxa aan ka hadlaynaa wax saxa ma tahay, wax jira ma tahay, xaqiiq dhaba ma tahay, hadday sax tahay xalinteedii waa wax innoo wada yaalla dhammaanteen, waxaan rabnaa Soomaali wanaagsan, dalko xasilay oo horumar gaadhay.
     
    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirka si rasmi ah u soo xidhay, waxaana uu ummadda u rajeeyey guul iyo horumar wanaagsan.
     
    Xiitaanka Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shiikh Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir-shabbeelle, Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowwladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.