Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Guubaa-baddu Dan kuuma Aha!!
    Somalia

    Madaxweyne Guubaa-baddu Dan kuuma Aha!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Guubaa-baddu Dan kuuma Aha.

    Madaxweyne waxaad Ogaataa marka loo Eego go’aamadii kasoo baxay Isimada ee ku saabsanaa PSF ma aha wax mucjiso ah ama Ugub ku ah Puntland.

    Puntland taariikh ayay u leedahay in Ciidamada iyo Madaxdu is qabtaan ka dibna Isimadu soo dhex-galaan una hiiliyaan Ciidamada markaas gadoodka sameeyey

    Tusaale

    July, 2015 waxaa gadooday Islamarkaana diiday inay amarka dawlada qaataan Ciidan u hogaamiyey Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, wuxuuna Idaacaha ka sheegay Gen Muxiyadiin in uusan wax wada-hadal ah la galeyn Madaxweynihii Puntland ee waqtigaas Abdiweli Mohamed Ali Gaas, wuxuuna sameeyey hawl-galo uu ku kala gooyey isu-socod magaalooyinka Puntland

    Dhica dowladduna waxay soo saar amar ah, ilaa ay isoo dhiibayaan Ciidankaas in aysan wax-wada hadal ah la furi doonin .

    Xiisaddu markii halkaas gaadhay waxaa soo galay Isimo, waxayna howshaas kusoo dhameeyeen inaan Ciidan-kaas waxba loo raacan karin oo ay sidooda ahaadaan, mana jirin wax-hub iyo gaadiid ah oo laga qaaday Ciidankaas.
    Mudo yar ka dibna Ciidankii waxaa laga dhigay laanta la-dagaalanka Argagixisadda Gen Muxiyadiina wuxuu noqday Taliyihii Ciidankaas.

    April 2015, waxaa gadooday Ciidankii PIA oo uu Agaasime ka ahaa Abdi Xasan Xuseen ( Abdi-yare) ka dib markii loo magacaabay Agaasime oo cusub Hay’adda oo ahaa Abdirizaq Ciise Xuseen ( Khaatumi),
    waxayna ciidankaas xabadeeyeen maagalada iyo Guryaha ay degan yihiin UN-ka ee Caasimada Puntland Garoowe, waxayna sidoo kale weeray ku qaadeen Taliyihii Madaxtooyada Puntland ee waqtigaas ( Kabtan ) waxayna ka qaateen gaari aan xabadu karin oo uu watay.

    Aritaas waxaa soo galay Isimo waxayna ku dhameeyeen inaan waxba loo raacan karin Askartaas ma jirin hub iyo ciidan laga wareejiyey.

    Sidoo kale Julley 2016 markii laga qaaday xilka Abdisamad Galan wuxuu Aruursaday Ciimado wuxuuna kala gooyey isu-socoka Magaalooyinka Puntland,

    Sidoo kalena Arintaas waxaa soo galay Isimo waxayna heshiis ku dhameeyee Colaadaas bishii October 28-keedii 2016, mana jirin hub iyo Ciidan lagu wareejiyey dawlada .

    Hadabba Madaxweyne howsha ka taagan Gobolka Barri ma aha xaajo Ugub ah, mana aha mid Adiga kugu bilaabatay waa sooyaal ay la kulmi jireen dhammaan Madaxdii Adiga kaa horeysay,
    Waxaana xallin jirey Isimo waana lagu qanci jirey go’aan kooda mana lala murmi jirin Isimadaas, mana jiri hal go’aan oo ku noqda lagu yiri Isimadaas.

    Su’aashu waxa weeye Madaxweyne Adiga maxaa kugu dheeraad ah, waxaa kugu dheeraad ah Guubaabbo siyaado ah oo waxaa lagaaga dhigay Ciidanka gadooday in ay tahay wax mucjiso ah oo ka dhacay Puntland,
    Madaxweyne taasi ma jirto waa wax dhici jirey dhicina doona Adiguna ceeb gaar kuma lihid.

    Madaxweye, Puntland waa Barri, Barrina waa Boosaaso, haddii Guubaa-badda dagaal ee Raga kula jooga kugu sii wadaan, ogow Puntland oo dhan ayaa guban doonta Eedana adaa qaadan doona

    Hadalada kala ah Sareynta Shirciga iyo ilaalinta dawlanimada, waxba tari mayaan haddii Dalka iyo dadka la waayo, dal iyo dad israacaan ayaa sharcigu sareeyaa.

    Ugu danbeyn Puntland Madaxweyne waxay u baahan maanta Aruurintaada ee uma baahna Amaro fuliyo.

    W/Q; Abdullahi Quran Jecel

    Dhamaad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.