Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MADAXWEYNE KU-XIGEENKA OO FURAY SHIRWEYNANA HORUMARINTA WADDOOYINKA PUNTLAND.
    Puntland

    MADAXWEYNE KU-XIGEENKA OO FURAY SHIRWEYNANA HORUMARINTA WADDOOYINKA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 10, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 09 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa furay Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland, oo ah kii koowaad ee noociisa ah, Shirkan oo socon doona (9-12 January 2025) waxaa soo diyaarisay Hay’adda Waddooyinka Puntland iyadoo ay kala qeybgashay Wasaaradda Hawlaha Guud.

    Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo warbixino ku saabsan hab u socodka dhismaha Waddooyinka Puntland iyo kharaashaadka ku baxaya, shaqooyinka dayactir, dib-u-dhis iyo hagaajin ee ku socota Waddooyinka Puntland, sidoo kale waxaa lala wadaagay madasha qorsheyaasha horumarin ee Shirkan lagu go’aaminayo.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xusay in Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland uu muhiim u yahay hirgelinta qorshaha Dowladda ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku boggaadiyey Hay’adda Waddooyinka iyo Wasaaradda qabashada Shirka.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadaha dhismaha Waddooyinka ee Puntland, Rugta ganacsiga Puntland, ganacstada, Dalladda Ururada Bulshada ee #PUNSAA iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.