Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Trump oo saxiixay sharcigii uu diidanaa
    Somalia

    Madaxweyne Trump oo saxiixay sharcigii uu diidanaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay xirmo dhaqaale oo ka kooban 900 oo bilyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka iyo ganacsiyada uu saameeyey cudurka Coronavirus.

    Sharcigan ayaa waxaa qeyb ka ah 1.4 trillion oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda ee illaa bisha September 2021, waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka hortagaya inay istaagaan shaqooyinka dowladda.

    Madaxweynaha ayaa sharcigan saxiixay kadib toddobaad uu diidanaa, oo uu cadaadis xooggan kala kulmayey sharci-dejiyayaasha dimoqraadiga iyo kuwa xisbigiisa Jamhuuriga.

    Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo ayaa markii hore dalbanayey in lacag loogu talo-galay shacabka oo ah 600 oo dollar qofkiiba laga dhigo 2,000, si uu u saxiixo sharciga.

    Xubnaha dimoqraadiga ayaa ogolaaday dalabkiisa una diyaar ahaa inay lacagta korrdhiyaan, hase yeeshee waxaa ka horyimid sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga.

    Ma cadda sababta uu hadda Trump u beddelay mowqifkiisa, hase yeeshee ilo-wareedyo ayaa Reuters u sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa ay u sheegeen inuu dabco, ayada oo aysan jirin wax kaga soo kordhaya inuu mowqifkiisa ku adkeysto.

    Xubnaha dimoqraadiga ayaa ballan-qaaday in garagaar kale oo dheeri ah uu iman doono marka uu talada la wareego madaxweynaha la doortay Joe Biden, hase yeeshee Jamhuuriga ayaa qaadanaya mowqif ah “sug oo arag”.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Rival Foreign Powers Accused of Fueling Propaganda War Targeting Puntland

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.