Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Waare oo soo dhaweeyay maalgashiga Itoobiya Ee Dekedaha Somaliya
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Waare oo soo dhaweeyay maalgashiga Itoobiya Ee Dekedaha Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 19, 2018Updated:June 20, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka hadlay heshiisyadii dowldaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen 16-kii bishan, heshisyadaasi waxaa qeyb ka ahaa in la maalgelinayo Afar Dekedood.

    Wuxuu sheegay Madaxweyne Waare in heshiisyadaasi ay yihiin kuwa waxtar badan u leh labada dowladood, isaga oo Madaxda labada dhinac ku ammaanay ka guul gaarista heshiiskan.

    “Annaga hadaanu nahay Hirshabeelle xuduud ayaan ku naalnaa, aad ayaan u soo dhaweyneynaa heshiisyada Dekedaha ku saabsan, si ay u timaado isdhexgal, waxaa imaanaya in la helo shaqooyin iyo mustaqbal, hadii laga mira dhaliyo heshiisyadan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

    Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada Dekedaha mid ka mid ah in ay tahay mida Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle.

    “Waxaan aaminsanahay kuna hawlgaleynaa, afartaas Dekedood mida ugu horeysa ay tahay tan Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle, waxaa noo qorsheysan in Dekedaas ay noqoto mid adeegyo badan laga helo oo faa’idooyin u leh maamulka.” Ayuu markale yiri Waare,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/XQZXGl1dysE

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.