Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Xasan oo qaabilay Madaxa USAID
    Somalia

    Madaxweyne Xasan oo qaabilay Madaxa USAID

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power.

    Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

    Madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

    Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

    Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan. Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.

    Booqashada ay dalkeenna ku soo gaartay Marwo Samantha Power ayaa sii xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.