Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Xasan oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobey Ee Somaliya
    Somalia

    Madaxweyne Xasan oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobey Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Oktoobar 25, 2022; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

    Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

    Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

    DHAMAAD
    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.