Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO UGA MAHADCELIYEY DOWLADDA IMAARAADKA CARABTA GARAB ISTAAGGA UMADDA SOOMAALIYEED EE GURMADKA ABAARAHA.
    Somalia

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO UGA MAHADCELIYEY DOWLADDA IMAARAADKA CARABTA GARAB ISTAAGGA UMADDA SOOMAALIYEED EE GURMADKA ABAARAHA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 26, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, May 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cismaan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha Caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen isbedelka Cimillada. Waxa uuna Alle uga baryey Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka abaaraha.

    DHAMMAAD.

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.