Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO MAR KALE KU BAAQAY IN GURMAD DEGDEG AH LALA GAARO DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN
    Somalia

    MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO MAR KALE KU BAAQAY IN GURMAD DEGDEG AH LALA GAARO DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baydhabo, Juun 01, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

    “Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

    Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashada ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.