Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynihii hore Ee Maraykanka Trump oo lagu soo oogayo Dacwad kale
    Somalia

    Madaxweynihii hore Ee Maraykanka Trump oo lagu soo oogayo Dacwad kale

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Donald Trump iyo Saddex Carruur ah oo uu dhalay,ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay Shirkadda qoyskooda – Ururka Trump.

    Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha Guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar.

    Dacwad oogayaasha,ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021.

    Mr Trump,ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay “arrin kale oo loo soo maleegay”.

    Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

    Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

    Xafiiskeeda awood uma laha inuu soo gudbiyo eedeymo dembi, balse waxay u sii gudbisay dacwad-oogayaasha federaalka iyo Waaxda Maaliyadda Gudaha.

    “Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray balaayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo hannaanka,” ayey tiri Ms James.

    Waxay sheegtay in aqalka gaarka ah ee Mr Trump ee ku yaalla daarta Trump Tower, oo lagu qiimeeyay $327m (£288m), uu ka mid yahay kuwa sida khaldan loo qiimeeyay.

    “Guri ku yaalla magaalada New York weligii laguma iibin qiime kaas u dhow,” ayey intaas raacisay Ms James.

    Ms James, oo dooneysa in dib loo soo celiyo lacag dhan $250m (£220m) oo ay sheegtay in la is daba mariyay, ayaa arrintan ku tilmaantay “farshaxanka xatooyada”.

    Waxay ka codsaneysaa maxkamadda inay ka mamnuucdo madaxweynaha hore iyo carruurtiisa inay qeyb ka noqdaan ganacsi walba oo ka dhisan New York.

    Waxay sidoo kale dooneysaa in Ururka Trump laga mamnuuco in muddo shan sano ah ay ku lug yeeshaan ganacsiga Guryaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.