Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mahathir Maxamed oo cafis u fidinaya Anwar Ibrahim oo xiran
    Somalia

    Mahathir Maxamed oo cafis u fidinaya Anwar Ibrahim oo xiran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Boqorka dalka Malaysia ayaa aqbalay in uu cafis u fidiyo hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim kadib markii uu arrintaas soo jeediyay Ra’isulwasaaraha cusub ee dalkaas laga doortay Mahathir Maxamed.
     
    Anwar Ibrahim oo ah nin loo arko in uu yahay hoggaamiye mustaqbal wanaagsan leh ayaa loo xirey dacwado la xiriira musuqmaasuq iyo waliba xad gudub xagga galmada ah.
     
    Balse Mahathir Maxamed oo ahaa ninkii talada hayay markii Anwar dacwadda lagu soo oogayay ayaa hadda ku guuleystay doorashooyin dhacay, wuxuuna doonayaa in uu cafis u fidiyo.
     
    Mahathir ayaa sheegay in uu talada Malaysia ku wareejin doono sanado kooban gudahood.
     
    Isaga oo hadlayay maalin kadib doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee dhacay, ayuu Mahathir sheegay in boqorka dalkaas uu ogolaaday in uu cafiyo Anwar.
     
    Malaysia oo yeelatay hogaamihii ugu da’waynaa ee abid adduunka laga doorto
    Baarlamaanka Malaysia oo la kala diray
    Mahathir Mohamad oo mar kale u tartamaya rai’sul wasaaranimada Malaysia
    Nin Xamaas ka tirsan oo lagu toogtay Malaysia
    Xaaska Anwar Wan Azizah ayaa sheegtay in boqorka uu doonayo in ninkeeda lagu siidaayo maalmo gudahood.
     
    Guusha Mahathir ayaa soo afjartay xukunkii halka xisbi ee mudada lixdanka sano ahayd.
     
    Mahathir iyo Anwar ayaa horey u wada shaqeeyay, iyaga oo isu noqday Ra’isulwasaare iyo ku xigeenkiisa, ka hor intii aanan xilka laga eryin Anwar sanadkii 1998-dii, xilligaas oo kadib dacwadaha lagu soo oogey.
     
    Anwar ayay maxkamad laashay xukunkii horey loogu ridey, balse markii uu doorashooyin ka qeybqaatay, loona filayay in uu guuleysto ayay maxkamad kale xukuntay in xabsiga lagu celiyo.
     
    Wax kasta waxa ay is badaleen sanadkan horaantiisii kadib markii Mahathir Maxamed oo 92 jir ah uu ku dhawaaqay in uu doorashooyinka isu taagayo, isaga oo dhaleeceyn u jeediyay Ra’isulwasaarihii isaga xilka ka badalay ee Najiib Razak.
     
    Mahathir ayaa markii uu mucaaradka ku biiriyay waxaa shuruud looga dhigay in uu cafis boqorka uga dalbo Anwar, shuruudaas oo uu aqbalay, iyada oo labo sano gudahood uu xilka ku wareejin doono Anwar.
     
    Inkasta oo ay isbahaysi ku jiraan, haddane xisbiga cusub ee Mahathir ee Bersatu, ayaa baarlamaanka ku leh 13 kursi oo kaliya, wuxuuna aad uga yaryahay xisbiga Anwar oo baarlamaanka ku yeeshay 47 kursi.
     
    Sidaasi darteed waxaa la sheegay in Mahathir uu balantiisa oofin doono.
     
     
     
    XIGASHO BBC
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.