Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Majirtaa waxa loogu yeero hay’adda Culumada Somaliyed?
    Somalia

    Majirtaa waxa loogu yeero hay’adda Culumada Somaliyed?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 31, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ma jirtaa hay’adda culumadda Somaliyeed, mase jirtaa meel ay Ummadda Somaliyed isugu tagtay oo ay ku magacaabeen hay’adda culumadda Somaliyed iyo madaxdeeda, jawaabtu waa maya, ma jirto, balse waxaa jira kooxo ismagacaabay oo isticmaala magacyadan:-

    1- Hay-‘dda culumadda Somaliyed
    2- Ururka saxafiyiinta Somaliyed
    3- Ururka dhalinyarada Somaliyed
    4- Ururka abwaaninta Somaliyed
    5- Dalladda Haweenka Somaliyed

    Dhammaan waa magacyo ay kooxo la baxeen laguna marin habaabinayo Ummadda Somaliyed, waxaan warbaahinta ka dhageystay Bashiir Salaad oo sheegta madaxa hay’adda Culumadda Somaliyed, balse ah madaxa urur diimeedka Al-ictisaam oo baaq ku wajahan Tuko-raq u diraya Somaliland iyo Puntland,

    Bashir Salaad isagoo dhex dhexaad iska dhigaya,ayuu hadana si dadban ugu hadlayey afkii Muuse Biixi.

    Bashiir Salaad ma uusan canbaareyn daan-daasiga iyo duullaanka qaawan ee ay Somaliland ku qabsatay Tukaraq.

    Bashiir Salaad ma uusan oran waxaan ugu baaqaynaa Somaliland in ay dib ugu laabtaan fariisimihii ugu danbeeyay ee ay fadhiyeen isagana baxaan deegaankan ugu danbeeyay ee ay qabsadeen, si dagaal dhexmara labada maamul looga baaqsado deegaamada kale ee lagu muran san yahayna si nabadgalyo ah looga wada xaajoodo,

    Waxaan warbaahinta afka Somaliga ku haddasha ka dhagaystay Bashiir Salaad oo leh waa in la joojiyaa abaabulka iyo habar wacasha iyo kicinta, waa hadalkii uu Muuse Biixi hadda ka hor warbaahinta ka sheegay ee uu yiri Puntland waxay waddaa abaabul, kicin iyo habar wacasho,

    Ma istiri hoggaamiyaha Al-ictisaam Bashiir Salaad waxaa hadalkan u soo laqimay Muuse Biixi.

    Haddaba waxaa nasiib daro ah in dad reer Puntland ah ay dabo socdaan Bashiir Salaad oo ah Nin aanan u qalmin magaca uu sheegto, waa nin caddaaladda ka fog, sidoo kalena aanan loogu yeeri karin in uu yahay Shiikh Somaliyed.

    Bashiir Salaad ma ahan nin dhex dhexaad ka noqon kara arrimaha Somalida dhex yaala.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.