Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Deni waa damiin Siyaasadeed oo nasiib badan
    Puntland

    Faallo:-Deni waa damiin Siyaasadeed oo nasiib badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 3, 2024Updated:June 3, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Deni markii dib loo doortay,waxa uu ballan qaaday Laba arimood oo kala ahaa…

    1.In uu Albaabadiisa furayo oo Dadka la tashanayo,isku wadayo Bulshada qaybaheeda oo dib uheshiisiin samaynayo.

    2.In uu BC xiriir fiican la samaynayo.

    Labadiiba waa ka gaabiyay mana fulin ballanqaadyadiisii,wuxuuna dib ugu laabtay Denigii hore ee Albaabadu uxirnaayeen.

    Tusaale gudaha PL?

    Shacabkii oo taageero u ah,ayuu hanan waayay,kadib iskoobitaan iyo in uu xulan waayay masuuliyiin Indhahooda buuxiya.

    Haldoorkii Bulshada oo mid taageersan iyo mid diidan iskugu jira,waxay go’aansadeen in ay ka gaabsadaan oo fursad siiyaan si Dalka iyo dadka wax ugu hagaagaan,waase ka faa’idaysan waayay.

    PSF garabka Ilmo Diyaano,waxaa laga galay heshiis Qardho ka dhacay oo ahaa in PSF dib loo mideeyo si buuxdana loogu dhiibo Maxamuud Diyaano.

    Heshiiskaas dhanka Deni,ayuu ka fuli waayay,waxaana niyad jab ku dhacay haldoorkii qaybta ka ahaa in la gaaro iyo bulshadii PL.

    Fulin la’aanta heshiiskaas,waxay sababtay in PL iyo wada shaqayntii Maraykanka si weyn hoos ugu dhacdo.

    Deni marka laga soo tago reer PL kale,Tolkiissa hoose ayay heshiinwaayeeen oo weli waa ka baqayaa.

    Haatan,waxa uu leeyahay Asad iyo Gaas,ayaa i inqilaabaya oo Xamar iyo Xasan ayay la siyaasad yihiin,taasoo cadayn u ah hogaan xumidiisa.

    Tusaale xiriirka BC?

    Deni,waa ku liitaa, xiriirka BC,waxa uuna fursad u abuurayaa Xamar iyo DFS ee sharciyada lumisay.

    Ku qalafsanaantiisa BC,waxa ugu yar ee ay keentay,waa in Visa-hii America ee Deni ay u dalabtay Ilhaan Cumar la meer meeriyay oo Mareykanku ilaa hada u diidan yahay in uu Dalkiisa u ogolaado.

    Dad badan oo kala duwan,ayaa ku doodaya in Denii uusan hogaamiye noqon karin si kasta oo loo ilaaliyo,waxay doodahooda ku salaynayaan in uu yahay Nin iska Ciil qaba.

    “Puntland qaab Shirkad ah oo Xasan Deni ka yahay RW iyo reer Deni iyo 5 sano oo Qoys sidii loo maamulo lagama sii gaabsan karo ayay qabaan Dad badan oo haldoor reer PL ah”.

    Cabashada ugu weyn,waxay ka imaanaysaa Wasiiradiisa iyo Lataliyayaashiisa oo qaba dareenkan.

    Deni,waa isaga Ninka fogaynaya Siyaasiyiinta reer PL iyo haldoorka oo luminayana fursadaha qurxoon ee horyaala.

    Nin la jooga mahaysan karo midka maqana ma kasban karo,waa calaamadaha ilaa haatan ka muuqda oo aan la inkiri karin si walba oo loogu ilaaliyo maqaamka PL ee uu hogaaminayo.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.