Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maleeshiyada Dowlada Muqdisho oo isku dayay in ay toogtaan Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Fadaraalka
    Somalia

    Maleeshiyada Dowlada Muqdisho oo isku dayay in ay toogtaan Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2018Updated:May 23, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur,ayaa sheegay in abaarihii 5:10 galabnimo xilli uu marayay Bar kayntarool ay Ciidamada NISA ku lahaayeen agagaarka Saldhiga Bari ee degmada C/casiis ay rasaaseeyeen Gaari uu saarnaa.

    “Maanta marki ay saacadu ahayd 5:10pm ama galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah kadib marki ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay, kaddib waxaa ay nagu wargeliyeen in aanu socon karno, balse markii aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabay rasaas isla askarigi i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaran yahay in uu i rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

    Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore inuu hanjabaado kala kulmay Ciidanka NISA, isla markaaba khatartaas amni uu la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

    “Waxaan rabaa in aan la wadaago shacabka Soomaaliyeed in ciidama NISA iga soo gaaray Marar badan handadaado amni, markii ugu dambeysay ee ay isoo gaartay khatartaas amni waxaan la wadaagay Guddoomiyaha Golaha shacabka Amb. Mohamed Mursal, waxaana dalbanayaa in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo wixi dhacay maanta”ayuu yiri Guddoomiyaha Kutlada Horusocod ee mucaaradka ah.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Xildhibaanka oo goobta soo gaaray uu is hor imaad kooban ay dhex martay ciidakii NISA, waxaana markii dambe xaalada soo farageliyay Saraakiil xiisada goobta ka jirtay xaliyay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.