Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MAQAAL:-NABAR & NAXDIN IYO ARGAGIXISADA AL-SHABAAB OO AAG DAGAAL KA FURTAY GALBEEDKA & KOONFURTA KISMAAYO
    Somalia

    MAQAAL:-NABAR & NAXDIN IYO ARGAGIXISADA AL-SHABAAB OO AAG DAGAAL KA FURTAY GALBEEDKA & KOONFURTA KISMAAYO

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    SIDA AYNU LA SOCONO WAXAA BILIHII AYNU SOO DHAAFNAY DAGAAL QARAARI UU KA SOCDAY WAQOOYIGA KISMAAYO,WAA DEEGAANADA HOOS TAGA DEGMOOYINKA JILIB & JAMAAME WAXAANA LAGA GAARAY GUULO IYADOO LA WIIQAY AWOODII ARGAGIXISADA AL-SHABAAB OO AY TAAGEERTO MAAMULKA NABAR & NAXDIN.

    WUXUU MAAMULKA NABAR & NAXDIN ABAABULAY BEELO WAX KA DEGA BARIGA JUBBALAND INEY XOOJIYAAN OO AY DAGAALKA LA GALAAN AL-SHABAAB,NASIIB WANAAG DUULAANKOODA WAA LAGA HORTAGAY OO SI XUN BAA LOO JEBIYEY.

    HADDABA WAXAA BILOWGII BISHII AYNU SOO DHAAFNAY EE JANUARY MUQDISHO LAGU SHIRIYEY BEELO WAX KA DEGA GALBEEDKA IYO KOONFURTA KISMAAYO,

    UJEEDKA SHIRKA AYAA AHAA IN AAGAASI DAGAAL U ABAABULAN QAAB BEELEED LOOGU QAADI LAHAA SI LA GOยดDOOMIYO KISMAAYO. WAXAA DHAQAALE FARA BADAN KU BIXIYEY GANACSATADA MUQDISHO WAXAANA KAALINKA KOWAAD KA GALAY DHIIGSHIIL & HORMUUD,WIXII DHAQAALE AHAA EE LA URUURIYEY IYO LOGISTIKADII CIIDAMADA WAXAA LA ISUGU GEEYEY BARIIRE OO KA TIRSAN DEGMADA AFGOOYE ,WAXAANA LAGU WAREEJIYEY ARGAGIXISADA AL-SHABAAB. WAXAA BILOWDAY DAGAAL WEJI KALE LOO YEELAY OO LA LEEYAHAY WAX KU DAGAALAMAY DEEGAANADA KALA AH,DALSAN,CABDALLA BIROOLE,HAADWEYNE,BUULO XAAJI ILAA IYO FUUMA BEELA HALKAA WADA DEGA.

    XAQIIQDA DHABTA AH WAXAA DAGAALKA SI WADAJIR AH U SOO QAADAY WAA KOOXDA NABAR & NAXDIN,AL-SHABAAB OO HUWAN SHAAR QABIIL SIDA COWRMALEH,GAALJECE,SHEEKHAASH,HUBEER.

    XAALADDU SIDA LOO HINGAADIYEY AMA LOO MARIN HABAABIYEY WEY KA DUWANTAHAY,SHACABKA JUBBALAND WEY KA DHEREGSANYIHIIN WAXA MUQDISHO LAGU SOO DHOOB-DHOOBAY EE LOO EKEYSIIYEY DAGAALADDII ISIRKA AHAA EE 1991.

    WAXAANU CADOWGA LEENAHAY JUBBALAND SHACABKEEDA DIB U HEESHISIIN DHAB AH AYUU SOO MARAY,WAXEYNA KU MIDOOBEEN MAAMUL LOO DHAN YAHAY,LAGUNA DOORTAY MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED SHEEKH MAXAMED ISLAAM TAARIIKHADU KOLKEY AHEYD15-05-2013.

    WAA RIYO MAALMEED QORSHAHA NABAR & NAXDIN IYO ARGAGIXISADA AL-SHABAAB IYO QOLYAHAN TIJAARATUL-XARBI EE DOONAYA IN JUBBALAND DIB LOOGU CELIYO COLAADDII 1991.

    JUBBALAND WEY KA FEEJIGANTAHAY SHIRQOOLADA MUQDISHO LAGA SOO ABAABULAY WEYNA LA SOCOTAA DHAQ-DHAQAAQOODA IL CADOWNA WEY KU EEGEYSAA.

    JUBBALAND GUUL BAANU LEENAHAY.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    ๐€๐ฃ๐š๐ง๐๐š๐ก๐š ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ•-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.