Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maqaamka Muqdisho Meel kalaa lala aaday
    Somalia

    Maqaamka Muqdisho Meel kalaa lala aaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida uu dhigayo Dastuurka kumeel gaar ka ah Qodobkiisa 9aad. ee ka hadlaayo Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    “Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”’

    Hadaba arinka xaq iyo xuquuq raadsiga ah ee 3M oo qof muddo sanada ah na soo jiitamaayay Baarlamaanka federal ka ah na loogana fadhiyay inuu kusoo saaro xeer gooni ah ayaa hada muuqata in ayadoon xeerki lasoo saarin arinka loo leexiyay hardanka qabiilka lana siyaasadeey

    Shaqada dastuurigaa ee baarlamaanka looga fadhiyay ma eheyn 7-da kursi ee aqalka sare Iyo sida loo qeybsanaayo ee waxey aheyd in ay soo saaraan oo kaliya xeerki maqaamsiinta aayaha caasimada halkaana ay ku dhex cadeeyaan sifada maamul Iyo awoodeed ee Caasimada Muqdisho yeelaneyso, canshuurta kasoo xarooto iyo saamiga federalku kulahaanayo iyo cida leh shaqada sugidda amniga caasimada, dhul bixinta caasimada Iyo wixi lamida ee marna dastuurka uguma xusna in Gobolka Banaadir maqaam ubaahanyahay si fiican u aqri qodobka dastuurigaa wuxuu ka hadalyaa waa caasimada kaliya.

    Mar haduusan jirin xeer Baarlamaan ka kasoo saaray maqaamka Casimada, awooda maamul ee caasimada sida loo soo dooranaayo Iyo sida loo qeybsanaayo canshuurta kasoo xaroota waxaa muuqata in la iska indha tiray waxbadan Muqdishana aanan loo daneyn ee lagu daneystay qeyrul sharci na tahay sida wax loo soo qoray maadaama uusan jirin reer loo raacay ama loo cuskaday lana rabo in arinki Maqaamka meeshaas kusoo dhamaado aysan na waligood isdooran ee mar walba Mayor loo soo magacaabihaayo.

    Soomaalidu waligeedba alifkey kaboodaa Ya’na uboodaa kuraas qeybsi waxaa ka horeeya Xeerki maqaamka Caasimada ee nakala hagi lahaa Gobol ahaan iyo caasimad ahaan in lasoo saaro Muqdishana ay maamulkeeda soo doorato si ayada gorgortanka Siyaasadeed ugali karto Gobol ahaan na markaa matalaad uhesho.

    Xeer sameyn Iyo Muqdishoo isa soo doorataa kahor hadaan dhahno aan wax qeybsano su’aalahan ayaa xaq uyeelanaaya inuu kajawaabo:

    1- Xubin kasta oo aqalka Sare kamid ah waxaa soo doortay baarlamaanka maamul goboleedka ay xubintu ku abtirsato hadaba xubnahan cusub yaa soo dooranaaya xageese lagu soo dooranaa Muqdisho mise Maamulka Goboleed kale?

    2- Hadii ladhoho xubin kasta maamul ka reer qurac oo ay ku abtirsato beel ahaan ayaa soo dooranaaya qofkaa siduu daacad uga noqon karaa danaha isdiidi kara beri ee labada maamul?

    3- Maadaama 4.5 lagu qeybiyay soomaaliduna dhamaan qabiilo kuwada abtirsata yaa xaq u leh inuu Muqdisho matalo ma kan kudhashay qabiilkuu doono haka soo jeedee mise kan soo galay ee aanan ku dhalan?

    4- Haduusan qofku Muqdisho kudhalan muddo intee la eg ayey tahay inuu Muqdisho daganyahay si uu umatali karo Shacabka Dagan?

    5- Sida dastuurku qabo xubnaha aqalka Sare waxey matalaan maamul goboleedyo hadaba xubnahaan cusub ma waxey matali doonaan maamul goboleed awood leh oo isdoorta mise maamul dikreeto lagu soo magacaabo marki larabana laga qaado?

    6- Kuraastan cusub yeymatalaan ma caasimada Muqdisho mise Gobolka Banaadir, hadey Gobolka tahay xagee dastuurka uga taal, hadii shalay caasimada leyla sheegtay maantana Gobolki miyaaa?

    Gunaanad: Gobolka Banaadir Iyo Caasimaduba kuraas uma hamuun qabaan ee inay isdoortaan isna xukumaan dhexdooda ayey uhamuun qabaan

    Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.