Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Ruushka oo wada hadlaya
    Somalia

    Maraykanka iyo Ruushka oo wada hadlaya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken,ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xidhan dalka Ruushka.

    Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.

    Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xidhiidh la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.

    Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.

    Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018.

    Blinken ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in labadan muwaadin ee Maraykanka ah ama midkood in lagu soo bedelan doono, Viktor Bout oo ah nin si weyn loo yaqaano oo ka ganacsada hubka oo u dhashay dalka Ruushka kaas oo ku xidhan dalka Maraykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.