Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo xulufadiisa Khaliijka Oo soo saaray war Iran ka dhan ah
    Somalia

    Maraykanka iyo xulufadiisa Khaliijka Oo soo saaray war Iran ka dhan ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 18, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa Arbacadii ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaardaah drone-ka.

    Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya.

    “Dhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faa’iideysto fursadda diblomaasiyeed ee hadda” ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna “ ka hortagaan dagaal iyo xasarad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Wada-hadalladan aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ayaa la hakiyey kadib markii ay Iran dooratay madaxweyne cusub bishii June, waxaana hadda la waqtiyeeyey inay dib u billowdaan dhammaadka bishan.

    Waxaa looga gol leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015.

    Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

    “Iran waxay qaaday tallaabooyin aan baahi rayid ah laheyn balse muhiim u ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaanka oo ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Cumaan iyo Kuweyt.

    Dalalkan ayaa sidoo kale cambaareeyey wax ay ugu yeereen “siyaasado halis iyo daan-daansi ah, oo ay ku jiraan adeegsiga gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha drone-ka.”

    “Taageearada Iran ay siisay maleeshiyooyinka hubeysan ee gobolka iyo adeegsigeeda barnaamjka gantaalalda ballistic waxay halis cad ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Qatar iyo Cuman ayaa loo arkaa inay marin u yihiin Mareykanka si uu ula xiriiro Iran.

    Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale bilihii dhowaa u muuqatay inay qaboojisay xiisdda Iran ayada oo labada dal ay wada-hadallo dhowr ah ku yeesheen Ciraaq.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.