Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka ma waxuu u olalaynayaa in Afrika ay ka hesho Xubno Golaha amaanka iyo G-20?
    Somalia

    Maraykanka ma waxuu u olalaynayaa in Afrika ay ka hesho Xubno Golaha amaanka iyo G-20?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2022Updated:December 14, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka,ayaa shaaca ka qaaday inay taageereyso in Afrika ay xubin joogto ah ku yeelato Golaha Ammaanka QM iyo ururka dalalka G20.

    Taageeradan ayaa waxaa ku dhowaaqday danjiraha Mareykanka ee QM, Linda Thomas-Greenfield, oo wareysi siisay weriyaha VOA-da Anita Powell kaasi oo ay kaga hadashay arrimo badan oo ku saabsan Afrika, xilli Washington uu ka socdo shir-madaxeedka hoggaamiyayaasha Afrika iyo Mareykanka.

    Danjire Linda Thomas-Greenfield,ayaa ugu horeyn la weydiiyey suurta-galnimada ah in ururka Midowga Afrika uu kursi ku yeesho dalalka G20 iyo Golaha Ammaanka QM, iyo waxa loo baahan yahay si taasi ay u dhacdo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

    “Qaaradda Afrika waxa ay leedahay 54 dal, in ka badan hal bilyan oo qof. Waxaan u baahannahay inaan codadkan ku darno hay’adaha muhiimka ah. Madaxweynahana wuu caddeeyey in Golaha Ammaanka uu u baahan yahay in uu noqdo mid matalaad badan, loogana baahan yahay inuu noqdo mid loo dhan yahay. Waxa uu si cad u sheegay in aanu taageersannahay in Golaha Ammaanka uu yeesho xubin joogto oo Afrikaan ah, waxaanu taageersannahay xubnaha dheeraadka ah ee la doortay ee Golaha Ammaanka, waxaa sidoo kale taageersannahay in Midowga Afrika uu ka mid noqdo G20,”Ayey tiri danjire Linda Thomas-Greenfield.

    Danjire Thomas-Greenfield,ayaa dhinaca kale beenisay inay cabsi-gelin iyo handadaad uu Mareykanka u adeegsanayo inuu dalalka Afrika ku qasbo inay cambaareeyaan Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine.

    “Ugu horreyn, ma isticmaalno awood sheegasho. Ruushka waxa uu ku eedeeyay Maraykanka inuu u hanjabayo dalalka. Waxa ay nagu eedeeyeen in aanu dalalka ku khasbanay inay la codeeyaan Maraykanka. Weligay ma isticmaalin qasbid; Maraykanku waligiis ma isticmaalin qasbid. Waxaan ka hadleynaa muhiimadda ay leedahay qiyamka taageeridda Axdiga Qaramada Midoobay, qiimaha taageeridda dimuqraadiyadda, qiimaha taageeridda dal – oo ah Ukraine – dalkaasi oo uu soo weeraray deris ka weyn. Kuwaasina waa qiyam aan isleenahay waa u muhiim waddan walba. Lacag kuma siineyno waddamada si ay ugu codeeyaan cambaareynta Ruushka mana u hanjabayno dalalka go’aansada inaysan codeyn. Waxaanse ka codsanaynaa qiyamkooda, waxaanu ka codsanaynaa sax iyo khalad,” ayey tiri Linda Thomas-Greenfield.

    Danjire Thomas-Greenfield ayaa sidoo kale ka hadashay suurta-galnimada ah in madaxweyne Biden uu booqasho ku tago qaaradda Afrika, iyo waxa booqashadaas ay ku guuleysan laheyd, waxayna sheegtay inay taasi dib u xaqiijin laheyd sida Mareykanka ay uga go’an tahay qaaradda Afrika iyo shacabka Afrika

    Waxay intaas ku dartay inay qeyb ka eheyd wufuuddii madaxweyne Obama iyo madaxweyne Bush ee booqday Afrika, islamarkaana mar kasta oo madaxweyne Mareykan ah uu booqdo Afrika ay soo aragtay dareenka dadka ee ah sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda uu yimid madaxweyne Afrikaan ah.

    “Markaa tani waxay fursad u noqon doontaa dadka Afrika – dalal kasta, haddii Madaxweynuhu go’aansado inuu booqdo – inay runtii arki doonaan ballanqaadkeenna ayaga ku wajahan. Runtii, waxaan filayaa inay sharaf weyn u tahay inuu Madaxweynuhu u safro qaaradda,”Ayey tiri.

    Dhinaca kale, danjiraha ayaa ka hadashay codeyn berri ka dhici doonta QM oo ka dhan ah Iran iyo haddii Mareykanka uu haysto taageero ku filan oo lagu meel-mariyo, si Tehran looga saaro xubinnimada Guddiga QM ee Haweenka.

    Iran ayaa muddo ka badan saddex bil waxaa ka socda dibad-baxyo ka dhan ah dowladda oo ka dhashay dilkii Mahsa Amini, oo aheyd gabar loo xiray inay diiday xirashada qamaarka kadibna ku geeriyootay gacanta booliska.

    Danjiraha ayaa sheegtay in tani ay tahay wax ay dalbadeen haweenka Iran, ayna tahay wax sax ah in la sameeyo, sababtoo ah, ayey tiri, ma dooneysid in dal dilaya haweenka, ama ragga u hadla am taageera haweenka, uu qeyb ka noqdo Guddiga QM ee Haweenka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.