Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo baaq xoog leh ukala diray Dowlada Itoobiya iyo Tplf
    Somalia

    Maraykanka oo baaq xoog leh ukala diray Dowlada Itoobiya iyo Tplf

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken,ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Jimcaha ku celiyay mowqifka Maraykanka, isagoo sheegay inay uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan “Bartilmaameedka aan kala sooc lahayn ee lagu beegsado dadka rayidka ah”.

    “Waxaan ku celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,” ayuu yiri Blinken.

    Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa magaalada Addis Ababa, booqashadaas oo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday ku dhawaad laba sano ee u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigreega.

    Quwadaha reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Arbacadii ku boorriyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) in ay billaabaan wadahadallo nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, waxayna ugu baaqeen dalka deriska ah ee Eritrea in ay ciidamadeeda kala baxdo goobta dagaalka.

    Hammer ayaa wadahadal kula yeeshay Addis Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Demeke Mekonnen, kaasoo “dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo colaadda ka aloosan waqooyiga dalka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ku soo qortay barteeda twitter-ka.

    Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga labaduba waxay aqbaleen martiqaad ay Midowga Afrika u fidiyeen si ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

    Balse wadahadallo lagu waday in todobaadkii hore ay ka bilowdaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay, iyadoo Diblomaasiyiintu ay soo jeediyeen in arrimaha qabanqaabada ay qayb ka yihiin eedda.

    Hammer,ayaa sheeegay in dib ugu soo noqoshada ciidamada Eritrea ee Itoobiya ay si weyn uga sii dartay xaaladda.

    AFP.+VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.