Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dhalashada kala noqday Soomaali heysatay dhalashada Dalkaas.
    Somalia

    Maraykanka oo dhalashada kala noqday Soomaali heysatay dhalashada Dalkaas.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waaxda Caddaaladda Magaaladda MINNEAPOLIS Ee Dalka Mareykanka ayaa Dhalashada kala noqday Afar Muwaadiniin Soomaaliyeed oo iyagu lagu Eedeeyay in ay ka Been Sheegay Codsigoodii visa ama Dal ku Galka ay ku Dalbanayeen Deganaanshaha ama ku noolaanshaha Dalka Mareykanka.
     
    Afartan ruux ayaa Galay Mareykanka iyagoo umaray Nudaamka Barnaamijka Baqtiyaa Nasiibka Ee uu Dhawaan Mamnuucay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Wuxuuna joojinta iyo Mamnuucidda uu Mr Trump u Cuskaday in Habkaan ‘lottery visa’ ama Baqtiyaanasiibka uu Salka ku hayo Argagaxiso oo ay ku soo dhex-dhuuntaan Kooxo Argagaxiso ay isticmaalaan Habkan Baqtiyoonasiibka.
     
    Fosia Abdi Adan, oo 51-sano jir ah ayaa ka been sheegtay Dhamaan habraaceedda Nololeed Ee laga Xareeray Markay soo Galaysay Sanadkii 2001-dii iyadoo ku soo Gashay Barnaamijka Baqtiyoonasiibka ah, Waxaana Baaritaan lasameeyay lagu Ogaaday in layiraahdo ‘Fosia Bariire, waxay kaloo ka Beensheegtay Zaygeeda iyadoo sheegatay Nin Been abuur ah oo aan Qabin oo ay tiri Waa iqabaa Fosia ayaa sheegatay in ay Dhashay Labo-Caruur ah oo la Xaqiijiyay in ay ilmo Adeer ay yihiin, Waxaan Arintan Baaritaan Qoto dheer ku Samaysay Maxkamadda Federalka Ee Minnesota Waxayna intaas ay ku dartay in Dhamaantood ay isticmaaleen Magacyo Been-abuur ah sidaasna loogu Aqoonsaday Muwaadiniin Mareykan ah.
     
    Habkan ay hadda Soo Galootiga isticmaalaan ayaa lagu Eedeeyay in ay tahay mid Jahwareer ah lagna Qaadayo Neerfo Waliba kuwa Mareykanka ku soo Gala Nidaamka Baqtiyoonasiibka ah sidaasna waxaa Shaaciyay General Jeff Sessions isagoo intaa ku daray in loo baahanyahay in Talaabo Xoogan laga qaado Arinkan Cawaaqib Xuna laga Dhaxli-doono.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.