Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo hanjabaadii ugu adkayd udiray Ruushka
    Somalia

    Maraykanka oo hanjabaadii ugu adkayd udiray Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 26, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu hanjabay Ruushka inuu la kulmi doono ciqaab adag oo ay ku jirto in madaxweyne Vladmir Putin shakhsi ahaantiisa la saari doono cunaqabateyn haddii Ruushku uu Ukraine ku weeraro 127,000 oo ah ciidanka Ruushku keenay xuduudda labada dal.

    “Waxaan goor hore u sheegay Madaxweyne Putin in haddii uu u dhaqaaqo Ukraine, ay jiri doonto cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan, oo ay ku jiraan cunaqabatayn dhaqaale oo weyn” ayaa yiri Biden.

    Wuxuu Biden xusay in 8,500 oo askari oo Maraykan ah la galiyay heegan sare todobaadkan, kuwaas oo tegi doona dhulka Ukraine, isagoo sheegay in howlgalkan aanuu aheyn mid Mareykan oo kaliya, laakiin ay uu yahay hormuud ay ka tahay NATO, hase yeeshe ma uusan sheegin goorta uu go’aansan karo in ciidamadaas la geeyo Ukaine.

    Biden waxa uu sheegay inuu la hadlay dhammaan xubnahaa uruurka NATO, isla markaana ay isku fikir ka yihiinn difaaca dalka Ukraine.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa khudbad laga sii daayay telefishinka Talaadadii dadweynaha ku booriyay inay mujiyaan xasllooni. Zelenskiy ayaa sheegay in la qorsheynayo inuu la kulmo madaxda Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska, waxaana mas’uuliyiinta afartan dal lagu wadaa inay wadahadal ku yeeshaan maanta oo Arbaco ah magaalada Paris.


    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Talaadadii sheegay inuu raadin doono caddayn ku saabsan ujeedooyinka Ruushka.


    Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay VOA, ayaa sheegay Talaadadii in Ruushku si joogto ah ciidamo u keenayo xadka labada dal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.