Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka Oo joojinaya Hubaynta Maleeshiyada Kurdiyiinta Siiriya
    Somalia

    Maraykanka Oo joojinaya Hubaynta Maleeshiyada Kurdiyiinta Siiriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria.

    Hadalkan ayaa sida laga soo xigta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu Trump ku sheegay wada hadal dhinaca taleefanka ah oo ay labada madaxweyne yeesheen Jimcihii shalay.

    Sida uu sheegay Cavusoglu, Trump ayaa sheegay inuu bixiyay awaamiir cad cad oo ku aadan in aan la hubeyn karin kooxda YPG.

    Waxaa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Mareykanka inuu yiri – arrintan macno darada ah waxey aheyd in waqti hore ay joogsato.

    “Wey naga farxisay inaan maqalno si cad inaan la sii hubeyn doonin urur isku dayaya inuu burburiyo Syria. Runtii waxaanu dooneynaa in aanu aragno balanqaadkan oo fula.”

    Madaxweyne Erdogan iyo Trump ayaa sidoo kale ka wada hadlay iibsiga qalab milatari oo uu Turkigu ka soo iibsado Mareykanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad habeenkii Jimcaha.

    Trump ayaa u sheegay Erdogan inuu dib u habeyn ku sameynayo taageerada milatari ee Mareykanku siiyo kooxaha ologga la ah ee Syria, laakiin warbixintu ma aaney carab dhabin YPG.

     

     

     

    Xigasho VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.