Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo kaalmo Milateri iyo mid dhaqaale oo dheeriya udiraya Ukrain
    Somalia

    Maraykanka oo kaalmo Milateri iyo mid dhaqaale oo dheeriya udiraya Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa golaha sharci-dejinta ee Maraykanka weydiistay Khamiistii inay meel mariyaan $33 Bilyan oo kaalmo dheeri ah, si Ukraine ay uga caawiyaan inay iska caabbiso duullaanka ciidamada Ruushka shanta bilood ee soo socota.

    Golaha ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar ujeedkiisu ahaa in meesha laga saaro caqabadaha gaabiska ka dhigaya in Ukraine la gaarsiiyo kaalmo milatari, iyadoo Biden uu aqalka Cad ka sheegay inaysan weeraraynin Ruushka, balse ay caawinayaan Ukraine si ay isu difaacdo.


    Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshaha cusub ee $33-ka Bilyan ay kujiri doonto $20 billion oo loogu talagalay hub iyo gargaar milatari oo cusub iyo $8.5 Bilyan oo kaalmo dhaqaale ah oo Ukraine loogu talagalay.


    Aqalka Cad ayaa sidoo sheegay in inta dhaqaalaha kasoo hara loo isticmaali doono gargaarka wax soosaarka cuntada, si loogu oggolaado adeegsiga sharci wax soo saarka difaaca, loona ballaariyo wax soosaarka kale ee gudaha ee uu carqaladeeyay dagaalku.


    Soo jeedinta Biden ayaa ah mid laba jibbaar ka badan lacago $13.6 Bilyan oo kaalmo oo aqalka Congresska ay horay ugu asnsixyeen in la gaarsiiyo Ukraine, waxaana xoghaya warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Paski ay sheegtay inay kalsooni ku qabaan in Kongressku uu sii wadi doono taageerada Ukraine.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqday magaalooyinka Gobolka Kyiv ee Borodyanka iyo Bucha oo la duqeeyay lana qabsaday intii uu socday duullaanka uu Ruushka ku qaaday waqooyiga Ukraine ka hor inta uusan ka bixin oo diiradda saarin Bariga. pic.twitter.com/pymZqMr3rt

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) April 28, 2022

    Dhinaca kale Ruushka ayaa duqeeyay meelo uu ka bartilmaameedsaday Ukraine oo ay kujirto magaalada caasimadda ee Kyiv, xilli dalkaasi uu booqanayay xoghaya guud Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

    Duqeymaha ayaa dhacay saacado un kadib markii shir jaraa’id ay wadajir u qabteen Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy iyo Guterres.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.