Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ku dhawaaqay Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa
    Somalia

    Maraykanka oo ku dhawaaqay Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 2, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.

    “Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo goโ€™aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.

    Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.

    “Maamulkani waxa uu si adag diiradda u saarayaa joojinta colaadaha, gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn, baaritaanno hufan oo ku saabsan xadgudubyada iyo ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dhammaan dhinacyada Itoobiya, iyo in wadaxaajood lagu xalliyo colaadda” ayuu Blinken ku yiri Bayaan uu soo saaray.

    Ergeyga hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagay, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar uu lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.