Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo kusoo rogaya xayiraado adag Madaxda Somalida
    Somalia

    Maraykanka oo kusoo rogaya xayiraado adag Madaxda Somalida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 9, 2022Updated:February 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    “Maanta,iyada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”Ayaa lagu yiri bayaan usoo saaray Blinken.

    Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha,ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.

    Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto xanibaaddan.

    “Siyaasaddan,ayaa lagu dabaqi doonaa xubno kaalin firfircoon ka qaatay hanaan khiyaameyn ku dhisan oo lagu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya ama ku guuldarreystay inay gutaan waajibaadkooda ah inay doorasho hufan ku fuliyaan waqtigeeda, ama beegsaday suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayaga oo handadaya, cabsi gelinaya, xiraya ama la beegsanaya rabshado kale,” Ayuu yiri.

    “Hoggaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waa inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda ah inay doorashada Golaha Shacabka dhameeyaan kahor 25-ka Febraayo, taasi oo dhabbaha u xaari karta hanaan dowladeed firfircoon oo ay Soomaaliya yeelato,”Ayuu yiri Blinken.

    “Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysa shacabka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labadeena dal.”

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku joogteyn karto nabad ay tahay in si deg deg loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.