Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo Liiska argagixisada ku daray Xubno cusub oo Shabaab ah
    Somalia

    Maraykanka oo Liiska argagixisada ku daray Xubno cusub oo Shabaab ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 27, 2022Updated:October 27, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo lasoo dhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington,ayaa lagu shaaciyay Magacyada Rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray Liiska argagixisada.

    “Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada ayaa u muuqda kuwo aan horay wax badan looga aqoonin.

    Balse warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay yihiin shakhsiyaadka sida buuxda gacanta ugu haya Al-Shabaab, xilalka ugu muhiimsanna u haya.

    Hoggaamiyeyaashan ayaa sidoo kale lagu soo rogay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo iyaga iyo cid walba oo la macaamisha.

    Waxaa go’aanka laga qaatay uu qeyb ka yahay fulinta digreeto amar oo tirsigeedu yahay (E.O.) 13224, taasoo wax ka baddal lagu sameeyay.

    Ragga la xusay ayaa kala ah….

    Mohamed Mire

    Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’uulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howlgasho kooxda iyo go’aan qaadshada ugu sarreysa.

    Sidoo kale Maxamed Mire waa madaxa garabka arrimaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

    Yaasir“

    Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqaanno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.

    Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow

    Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay warka lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno Gees Cadde.

    Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeybta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u garan og yihiin “Amniyaad”.

    Mustaf Caato”

    Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda saree e garabka Amniyaadka ayaa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya iyo Kenya.

    Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigyada militeriga Mareykanka ee Kenya.

    Mohamoud Abdi Aden

    Qofka shanaad ee magaciisa lasoo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

    Ninkan ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.