Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo qaadanaya Qaxooti door ah
    Somalia

    Maraykanka oo qaadanaya Qaxooti door ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah, inkasta oo uu cadaadis xooggan uga yimi kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cadaadinayey inuu kor u qaado tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta.

    Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cadaadinaya maamulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Waxaana tirada qaxootiga uu Maraykanku qaato ay gaadhay illaa 20,000 sannadkii.

    Sannad miisaaniyadeedka Maraykanka,ayaa dhammaanaya maalinta Jimcaha ee foodda innagu soo haysa.

    Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu faahfaahiyey meelaha uu Maraykanku qaxootiga ka soo qaadanayo sannad miisaniyadeedka 2023, ayaa lagu sheegay in qaaradda Afrika laga soo qaadayo illaa 40,000 oo qaxooti ah, iyada oo dalalka ku yaalla Bariga dhow iyo Woqooyiga Aasiya loo qoondeeyey illaa 35,000, halka dalalka ku yaalla Bariga Aasiya, Yurub, Badhtamaha Aasiya iyo Latin America loo qoondeeyey min 15,000.

    Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa 5,000 oo qaxooti ah in lagu calaamadiyey inay yihiin qoondo kayd ah.

    Associated Press.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.