Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo udiray wefti sare Dalka Kenya
    Somalia

    Maraykanka oo udiray wefti sare Dalka Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafdi ka socda Kongareeska Mareykanka ayaa gaaray Kenya si ay ula kulmaan madaxweynaha cusub ee la doortay iyo mucaaradka oo ay u badan tahay i ay u gudbiyaan dacwad Maxkamadda Sare oo ku saabsan guuldaradii doorashadii ka dhacday Kenya oo ah dalka dimoqraadiyad ahaan ugu xasilloon Bariga Afrika.

    Safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Kenya, Meg Whitman, ayaa sheegtay in wafdiga uu hoggaaminayo Sen. Chris Coons ayna sidoo kale la kulmi doonaan madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo la wada ogyahay u aamusnaa tan iyo doorashadii si nabad ah u dhacday 9-kii Agoosto.

    Madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa ah madaxweyne ku xigeenka Kenyatta, laakiin khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay sanado kahor, waxaanaa Kenyatta doorashada ku taageeray Raila Odinga oo muddo dheer mucaarad ku ahaa.

    Odinga waxa uu sheegay in uu sahaminayo “dhammaan fursadaha dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah” si uu uga hortago guul-darradii doorashada.

    Ololihiisa ayaa heysta toddobaad laga bilaabo maalinta isniinta ee ku dhawaaqista guusha Ruto si uu u tago maxkamada sare, oo markaas heysata 14 maalmood oo ay go’aan ku gaaarto.

    Odinga ayaa ku boorriyay taageerayaashiisa inay isdejiyaan.

    Guddiga doorashada Kenya ayaa si fagaare ah qaab fowdo ah ugu kala qeybsamay daqiiqado ka hor ku dhawaaqistii Isniintii, iyadoo guddiga uu midba midka kale ku eedeeyay anshax xumo.

    Afarta xubnood ee ka tirsan guddiga doorashada ee ka soo horjeestay ku dhawaaqistii Isniintii waxaa magacaabay Kenyatta sanadkii hore.

    Kala qeybsanaantan ayaa dad badan oo Kenyan ah fajac ku noqotay kadib doorasho si weyn loogu arkayay tii ugu daah-furneyd ee abid ka dhacda dalka Kenya, iyadoo natiijadii ka soo baxday in ka badan 46,000 oo goob codbixineed la soo dhigay online-ka si shacabka ay ula socdaan. Tirakoobyada dadweynaha, oo uu ku jiro mid ay soo saareen goob-joogayaasha doorashada, ayaa lagu daray in Ruto uu ku guuleystay in wax yar badan 50% codadka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.