Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ugu hanjabay Eretereya kusii sugnaanta Ciidamadeeda Ee Tigraay
    Somalia

    Maraykanka oo ugu hanjabay Eretereya kusii sugnaanta Ciidamadeeda Ee Tigraay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka,ayaa laga soo xigtay.

    Sarkaalkan,ayaa sheegay in marka laga soo tago ciidamada Eritrea ay sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadka Canfarta ee haatan ku sugan gobolka Tigray ay ka baxaan.

    Waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen Gobolka Tigray ayna la safteen Ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, iyagoo halkaas ku sugnaa labadii sano ee u dambeeyay.

    Dhinacyo kala duwan oo uu ku jiro Mareykanka,ayaa marar badan ka codsaday Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya.

    Sarkaalkan,ayaa sheegay in ay maqlayaan in xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF ay ka goโ€™an tahay fulinta heshiiskii nabadeed ee la gaaray. Waxa ay sheegeen in ciqaab lagu soo rogi karo ciddii caqabad ku noqoto fulinta heshiiska nabadeed.

    Wuxuu yiri, “Kama gabban doonno inaan cunaqabateyno soo rogno” si loo xaqiijiyo in heshiiska nabada la ixtiraamo oo la dhaqan geliyo, iyo in lala xisaabtamo kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

    Sarkaalkan oo aan la magacaabin oo ka tirsan saraakiisha sare ee arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadalkan sheegay mar uu warbaahinta siinayey xog ku saabsan geeddi-socodka heshiiska nabadda ee Waqooyiga Itoobiya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.