Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka iyo Midowga Yurub oo cambareeyay dilalka Aargoosiga ah Ee Taalibaan
    Somalia

    Mareykanka iyo Midowga Yurub oo cambareeyay dilalka Aargoosiga ah Ee Taalibaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link


    Mareykanka, Midowga Yurub iyo xulifadooda ayaa Sabtidii Taalibaan ku dhaleceeyay dilalka qorsheysa ee ay ku beegsaden xubnihii hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan, sida ay diiwaan-geliyeen kooxaha xuquuqul insaanka, waxayna dalbadeen baaritaano deg-deg ah.

    “Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya dilalka qorsheysan iyo afduubka loo geysanayo xubno hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan, sida ay diiwaan gelisay Human Rights Watch iyo hay’ado kale,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Mareykanka, Midowga Yurub, Australia, Britain, Japan iyo dalal kale, kaas oo ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareyka.

    “Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in falalka lagu eedeeyay Taalibaan ku jiraan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka, kuwaas oo kahor imaanaya cafiskii Taalibaan ay ku dhawaaqday,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dalalkan.

    Horraantii todobaadkan, hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in laga bilaabo bartamihii Ogosto ilaa Oktoobar 47 xubnood oo hore uga tirsanaa ciidamada amniga qaranka Afghanistan, shaqaale kale oo militari, boolis iyo sirdoon oo ay qabteen ama isu dhiibay ciidamada Taalibaan in lagu fuliyay dilal aargooss ah.

    Taaalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afghanistaan bartamihii bishii Ogosto markii ay bur-bureen dowladdii Kabul ee taageerada ka heli jirtay Mareykanka iyo militarigii dalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.