Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo dagaal dhaqaale ku qaaday Ruushka
    Somalia

    Mareykanka oo dagaal dhaqaale ku qaaday Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

    Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sababo la xiriira duulaanka Ukraine.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah.

    Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe Biden kusoo rogay soo-dhoofinta shidaalka iyo gaaska Ruushka, Peskov wuxuu sheegay in Ruushka “uu weligiis ahaa siina ahaa doona qeybiye tamar oo la isku haleyn karo.”

    “Moscow si dhab ah ayey uga fakari doontaa jawaabta ay bixineyso,” ayuu yiri Peskov.

    “Xaaladdan waxay u baahan tahay taxliilin qoto dheer – go’aanadaas uu ku dhowaaqay madaxweyne Biden,” ayuu yiri Peskov.

    “Haddii aad i weydiineyso waxa Ruushka ay sameyn doonaan, Ruushka waxay sameyn doonaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo aan ku difaaceyno danaheena,” ayuu yiri

    “Mareykanka wuxuu dagaal dhaqaale ku iclaamiyey Ruushka, wuxuuna si dhab ahaan hadda u wadaa dagaalkaas,” ayuu yiri Peskov.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.