Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mareykanka oo dhimaya taageerada dhaqaale iyo Milateri ee Somalia
    Puntland

    Mareykanka oo dhimaya taageerada dhaqaale iyo Milateri ee Somalia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 2, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa diyaarinaya qorshe uu ku dhimo joogitaanka milatari iyo dhaqaale ee Maraykanku ku leeyahay gudaha Soomaaliya, tallaabadan oo qeyb ka ah isbeddel weyn oo ku wajahan siyaasadda guud ee Afrika, sida uu Axaddii weriyay The Washington Post.

    Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib-u-habayn istaraatiijiyadeed oo ballaaran, kaas oo lagu yareynayo ku lug lahaanshaha Maraykanka ee qaaradda Afrika, si mudnaanta loo siiyo arrimo kale sida sugidda xuduudaha iyo casriyeynta awoodda nukliyeerka.

    Miisaaniyadda cusub ee ay soo jeedisay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon) ayaa si cad u muujinaysa jihada cusub, iyadoo hoos loo dhigay muhiimadda Taliska Maraykanka ee Afrika (Africom).

    Mas’uuliyiinta difaaca ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay xoogga saarayso “xoojinta iskaashi ka sarreeya ku-tiirsanaan,” iyadoo Maraykanku doonayo inuu dalalka Afrika taageero si uu ugu gudbiyo xogaha sirdoonka iyo teknoolajiyadda, halkii uu si toos ah uga qeyb qaadan lahaa hawlgallo milatari. Isbeddelkan ayaa durba laga dareemayaa Soomaaliya.

    Maraykanku wuxuu joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka Danab – oo ah xoogga ugu tababaran ee Soomaaliya u qaabilsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada – kadib sanado taageero dhaqaale ah oo lagu qiyaasay illaa $1.5 bilyan sanadkii.

    Dowladda Soomaaliya ayaa hadda raadinaysa ilo dhaqaale oo kale si ay u sii waddo hawlgallada cutubkaas oo ay u bixiso mushaharka ciidamadiisa.

    Sidoo kale, maamulka Trump ayaa hoos u dhigayey kaalmadii uu Maraykanku siin jiray howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), xilli ay kooxda Al-Shabaab sare u qaadayso weerarrada ay ka geysanayso Koonfurta Iyo Bartamaha dalka.

    Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, ayaa la sheegay in ay mar kale la wareegtay magaalooyin badan, iyadoo haatan ka howl-gasha qiyaastii saddex meelood meel dhulka Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    U.S. President Trump Reverts to Tripartite Somalia Policy

    August 9, 2025

    Turkiga oo Puntland ku wareejiyay Laba Diyaaradood oo Hub ah

    August 7, 2025

    Ciidamada PL oo ka faa’iday Internet-ka Starlink

    August 7, 2025
    Latest Posts

    U.S. President Trump Reverts to Tripartite Somalia Policy

    Turkiga oo Puntland ku wareejiyay Laba Diyaaradood oo Hub ah

    Ciidamada PL oo ka faa’iday Internet-ka Starlink

    Maxay ka badali kartaa Beledxaawo Warqada Xamar kasoo baxday

    Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgalo ka fuliyay Buuraha Calmiskaad

    Puntland oo la wareegtay Ciidamadii Yube Ee G.Sanaag

    Faallo:-Itoobiya oo dhabarka ka jabisay Xasan Shiikh

    Shaqaalaha DFS oo aan qaadan Mushahaar Bishan

    Afar Qodob oo Puntland ay ka faa’iday Markabka Hubka

    Dowlada Puntland oo sii daysay Markabkii Hubka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.