Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB
    Puntland

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025Updated:June 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa gabi ahaanba joojisay taageerada ay siin jirtay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, sidda uu xaqiijiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate ee Mareykanka.

    Mareykanka ayaa sheegay in hoggaanka ciidamada DANAB ay lunsadeen saadkii ciidamada iyo raashinkoodii, iyadoo madaxda DFS ku guuldareysteen wax ka qabashada arrinta iyo in lala xisaabtamo kooxdii ku kacday musuqmaasuqa.

    “Mareykanku ma dayacayaan Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Taageerada Danab waxaa la bilaabay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo sannadkii 2024 kadib markii hoggaamiyaasha Danab ay musuqmaasuqeen raashinka loo qoondeeyey, dowladda Soomaaliya-na ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato arrintaas” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Senate-ka Mareykanka.

    Go’aanka ayaa ah fashilka kale oo dhanka Dowladnimada ah, oo ka dhashay hoggaaminta Xassan Shiikh.

    Mareykanka ayaa horrey u diidday in uu bixiyo qoondada dhaqaale ee taageerada ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, taas oo abuurtay walaac la xiriira in uu fashilmo howlgalka. Al-Shabaab ayaa qabsatay deegaano muhiim ah oo katirsan koonfurta Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.