Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo ugu baaqay wadaxaajood deg-deg ah dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya
    Somalia

    Mareykanka oo ugu baaqay wadaxaajood deg-deg ah dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si weyn uga walaacsan sara u kaca iska horimaadyada militari ee Itoobiya, wuxuuna ku baaqay in wadaxaajood degdeg ah laga yeesho xiisadda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

    “Xoghaye Blinken wuxuu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee muujinaya kororka militariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price Jimcihii shalay.

    Price, ayaa hadalkan soo saaray ka dib markii ay taleefoon ku wadahadleen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Blinken, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu Arbacadii ku biiray furinta hore ee dagaalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.