Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Marwo Caasho Geelle oo ka warbixisay halka uu marayo dhismaha isbitaalka Gaalkacyo
    Somalia

    Marwo Caasho Geelle oo ka warbixisay halka uu marayo dhismaha isbitaalka Gaalkacyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 5, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ugu fogaan mudo Bil gudaheed ah waxaa si rasmi ah usoo gabagaboobaya dib u dhiska isbitaalka guud ee Gobolka Mudug sida ay noo xaqiijisay Marwo Caasho Geelle Diiriye oo xubin ka ah gudiga dib u dhiska isbitaalka.
     
    Dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo dolar-ka Maraykanka ah,ayaa ku baxay dib u dhiska isbitaalka,iyadoo markii hore la filayay in ay ku baxayso dhaqaale gaaraya Nus Milyan.
     
    Dhaqaalahaas ayaa ka kala yimid sida ay noo xaqiijisay Marwo Caasho Geelle qurba joogta iyo ganacsatada Gobolka marka laga saaro lacag gaaraysa Labo Boqol iyo afartan Kun oo dolar oo laga helay hay’ad Khayriya oo laga leeyahay dalka Qadar.
     
    Guud ahaan isbitaalka oo ah dhisme laba Dabakh si casri ahna loo qaabeeyay kana kooban 15-qaybood oo midiiba ay kasii kooban tahay Sagaal Qol oo qol walbaaba wato Musqushiisii,ayaa dhamaystirmay.
     
    Isbitaalka,ayaa hakad ku yimid dhismihiisa labaatankii cisho ee udanbeeyay,taasoo ay sababtay cilad farsamo oo ku timid qalabka shirkada shaqada gacanta ku haysa ee qandaraaska qaadatay,taasoo hada la xaliyay.
     
    Marwo Caasho Geelle oo sii faahfaahinaysay xogta ay nala wadaagtay ee ku aadan dib u dhiska isbitaalka waxay si rasmi ah noogu xaqiijisay in uu soo gabagaboobayo bil gudaheed dhismaha isbitaalka,isla markaana waxa hada ka harsan dhismihiisa ay tahay Boqolkiiba Toban marka la qiimeeyo guud ahaan dhismihii isbitaalka.
     
    Boqolkiiba Tobanka ah ka harsan dib u dhiska isbitaalka,ayaa ah Salaaxid iyo naash-naashin guud, waxaana ku baxaya dhaqaale gaaraya Lixdan kun oo dolar,kaasoo xiligan gacanta loogu hayo..
     
    Marwo Caasho oo sii wadata hadalkeeda,ayaa sheegtay in dhamaystirka isbitaalka kadib loo fasixi doono Saxaafada,isla markaana xariga laga jari doono.
     
    Gudiga isbitaalka dib u dhsikiisa loo xilsaaray oo ka kooban haldoorka bulshada qaybihiisa kala duwan sida Ganacsatada,dhakhaatiirta,waxgarad-ka iyo Culumada,ayaa qabtay hawl aan marna la ilaawi doonin taariikhadana ka galisay baal Dahab ah,isla markaana ay ku mutaysteen bilad sharaf.
     
    isku soo wada duuboo warkan ayaa u ah bulshada Puntland iyo guud ahaan tan Somaliyed mid ay ku diirsanayaan oo faraxadgalinaya,madaama isbitaalka guud ee Gobolka Mudug uu yahay mdi muhiim u ah bulshada,soona shaqaynayay mudo ku dhow Nus qarni.
     
     
     
     
     
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.