Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mashruuca kor uqaadista tayada Waxbarashada Puntland Oo la daahfuray
    Somalia

    Mashruuca kor uqaadista tayada Waxbarashada Puntland Oo la daahfuray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee “Waxbarashadu waa Iftiin” oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Wasaaradda iyo Midowga Europe iyo Hay’adaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruuca fulintiisa.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee kala shaqeynaya Mashruuca iyo marti sharaf kala duwan.

    Midowga Europe, Hay’adda Care Iyo Hay’adda Save the Children waxaa ay Dowladda Puntland kala shaqeynayaan Mashruucan, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa goobjoog ka noqday saxiixa Wasaaradaha ku shaqo leh iyo Hay’adaha kala shaqeynaya. Mashruuca oo socon doona saddex sano waxaa ku baxaysa Lacag dhan 7.3 Million oo Euro, waxaa qeyb ka ah Dhismaha 12 Iskuul, dayactirka 7 Iskuul , 570 Ardey oo Waxbarasho Lacag la’aan ah , mushaharaadka 203 Macalim, hirgelinta 4 Iskuul oo cusub oo farsamada gacanta ah iyo hannaanka tayeynta Heerka Waxbarashada Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.