Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxa dhacay kaddib aqoonsiga Qudus caasimada dadka Yahuuda , shirkii jaraa’id Trump & Netanyahu iyo banaanbaxyo.
    Somalia

    Maxa dhacay kaddib aqoonsiga Qudus caasimada dadka Yahuuda , shirkii jaraa’id Trump & Netanyahu iyo banaanbaxyo.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 7, 2017Updated:December 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Trump ee Mareykanka shir jaraa’id ayuu caawa ku aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus iney tahay Magaalo Israa’iil, isagoo ku bilaabay hadalka waxaan go’aansaday aqoonsiga Qudus caasimada Isra’iil.

    Ra’isul wasaaraha Yahuuda Netanyahu ayaa isna warsaxafadeed ku qabtay Qudus ” Waligeed ayey caasimad noo eheed Qudus sedex-kun oo sanno ayey noo eheed caasimad , dhulkii nabiyadeena iyo boqoradeena- waligeed ayey eheed rajadeena & riyadeena ee dhamaan umadda Yahuuda ee caalamka soo laabto kusoo noqda Israa’iil.
    Boris Johnsan wasiirka arrimaha dibadda Uk waxu yiri waa welwel cusub.

    Falastiin waxey sheegtay in dagaal ay gali doonto.
    Turkiga waxa uu ku dhawaaqay shir degdeg ah oo dalalka Muslimka isugu imanayaan .
    Therse May Raisul wasaaraha UK waxey tiri marna uma rarayo safaradeeda Qudus.
    Shiinaha iyo Ruuska waxey ku shegeen dagaal cusub oo laga hurinayo barriga dhexe.
    Falastiiniyiin carreysan oo gubay sawirka Trump.

    Eeda ugu badan ee go’aankaan iyo faragalinta barriga dhexe ayaa lagu dhaleceeyay wiilka uu sodoga uyahay Trump ee Jared Kushner oo ah Yahuud iyo xitaa Trump oo asalkiisa uu ku abtirsado Isra’iil.
    Marka lagareebo Turkiga oo si cabsi la’aan ah u hadlay ma jirto dal carbeed oo ka hadlay si toos ah arrimaha Falastiin ee Qudus.

    Hogaamiyayaasha dalalka carbeed ayaa u sabab ah aamusnaantooda xukunka oo ay isaga fadhiyaan iyo iyagoo ka baqayo in lagu kiciyo mucaarado saldanadooda.

    Kumanyaal kun oo Turki ayaa caawa isugu soo baxay safaarada Mareykanka dalkaasi iyagoo ku dhawaaqaya Alaahu Akbar waxaana amaanka goobta la wareegay Cidamada Turkida.

    Qudus ayaa ah magaalada ugu danbeyso ee dhamaadka dunida marka muslimiinta iyo kiristinka diimahooda uu kala qeexi doono nabi Ciise CS kadib soo ifbixida Masih Dijaal iyo soo dagista imaanshaha Nabi Ciise -taa ayaa ka dhigeysa muhiim dhanka islaamka iyadoo diinta Yahuudana Judaism magaalada Qudus ay ku fareyso iney ku sugaan Nabi Ciise oo ay ka helayaan garab iyo gargaar sida uu qorayo kitaabkooda.

    Goob xabbiibkeena Muxamad NN ha ahatee laga dheelmiyay iyo masaajid u ah halboole dunida muslimka oo ka dhigan Masaajid ugu kheyrka badan kaddib xarameynka.

    Abdirisaq Juba idil News Garowe

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.