Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa cunaqabataynta loogu soo rogay madaxa sirdoonka Uganda
    Somalia

    Maxaa cunaqabataynta loogu soo rogay madaxa sirdoonka Uganda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka ayaa Talaadadii cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay madaxa sirdoonka ciidamada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, kaas oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, kuwaas oo ay geysteen ciidankiisu, uuna oga jiritaanka xabgudubyadan.


    Milatariga Uganda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Washington, oo sannadihii u dambeeyay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.

    Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tillaabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta iyo wiiqidda dimuqraadiyadda dalalkaas.

    Waaxda Maaliyadda ayaa soo rogaysa cunaqabatayn is daba joog ah todobaadkan kahor bilowga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadiyadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.

    “Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dadka reer Ugandan “sababo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaaminayay su’aalo la weeydiinayay shaqsiyaadka la xiray,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiraysa hantida Genral Kandiho, waxayna guud ahaan ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.

    Bayaan ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheega inay ka xunyihiin tallabada mareykanka.

    “Waan ka xunnahay in go’aankan oo kale uu qaato dal aan u aragno saaxiib iyo isbaheysi weyn, iyadoo aan loo marin habraac caddaaladeed” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Uganda.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.