Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa FBI-du ka heshay Guriga Trump?
    Somalia

    Maxaa FBI-du ka heshay Guriga Trump?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda FBI-da Maraykanka,ayaa ka heshay Guriga Madaxweynihii hore ee Donald Trump, dokumentiyo lagu calaamadiyey inay yihiin “Sir Qaran” oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad koobani, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baadhay guriga madaxweynihii hore oo uu baahiyey garsoorihii amarkaas saxeexay.

    Qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa muujinaya in saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen guriga madaxweyne Trump, illaa 11 diiwaan oo ah macluumaad sir ah oo aan loo ogolayn inay dad koobani arki karaan, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen saraakiisha FBI-du ka dib markii ay baadhista dhameeyeen.

    Saraakiisha FBI-da ayaa marka hore waxay maxkamadda ka codsadaan ogolaansho ah, inay baadhis samayn karaan, ka dib marka ay baadhista sameeyaanna waxay maxkamadda la wadaagaan macluumaadkii ay ka soo qaadeen goobta ay baadheen, si ay u caddeeyaan wixii ay ka heleen goobta baadhista.

    Diiwaanada sirta ah ee laga helay guriga madaxweynihii hore ee Trump ayay ku jiraan, kuwo ku diiwaangashan inay yihiin “sir” iyo kuwo ku calaamadsan inay yihiin “Sir Qaran” ama “Top Secret”. Maxkamaddu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan oo la xidhiidha nooca macluumaadka ku jira diiwaanka sirta ah ee laga soo qaaday guriga madaxweynaha hore.

    Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimcihii maanta ayaa sheegay in dhammaan macluumaadka laga qaatay gurigiisa inay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha “Declasiffied” oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dukumentiyada u wareejin lahaa Waaxda Caddaaladda haddii la weydiiyo.

    Madaxweynaha xilka haya oo keliya ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaadho in la faafin karo macluumaad marka hore lagu calaamadiyey inay sir yihiin, hase ahaatee madaxweynuhu marka uu xilka ka dego awoodaas malaha.

    Madaxweyne Trump ayaa markii uu xilka ka degey, wuxuu hore u sii qaatay dukumentiyo badan oo sir ah, oo aan la ogolayn in debedda loo saaro, qaybo ka mida waraaqahaas sirta ah ayuu madaxweyne Trump hore u soo celiyey.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.