Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada Fadaraalka?
    Somalia

    Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada Fadaraalka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 12, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

    Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

    Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan.

    Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya.

    Tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa dhankeeda golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada hor-tebinta leh ee ay ka midyihiin horumarinta waxbarashada, hir-gelinta cisbitaallo dawladdu maamusho oo bulshada loogu adeego iyo hirgelinta hey’ad ka jawaabta xaaladaha deg-degga ah.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in golaha wasiirradu xukuummadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.