Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»”Maxaa kala socotaa iscasilaada RW-Desale iyo qorshaha dib usixida Itoobiya?
    Somalia

    ”Maxaa kala socotaa iscasilaada RW-Desale iyo qorshaha dib usixida Itoobiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 16, 2018Updated:February 16, 2018No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Hayle Mariam Desalegn Ra’isalwasaaraha maanta iscasilay ayaa ahaa Injineer dhanka Biyaha ah,waxuuna sidoo kale soo noqday Macalin Jaamacada Awaasa.
     
    Desale waxuu uxuubsiibtay Siyaasi,isagoo markii ugu horaysay kasoo fuulay salaanka Deegaanka Qowmiyadiisa oo uu kasoo noqday Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee itoobiya.
     
    kadib wuxuu kaloo soo noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibada iyo ku xigeen-ka Xisbiga talada haya ee EPRDF xiligii Melles Sanawi.
     
    Dhimashadii Meles Zenawi kadib wuxuu noqday Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee EPRDF iyo Ra’isalwasaare Kmg-ah.
     
    Desale kadib doorashadii dhacday xiligii Kmg ahayd waxuu noqday Ra’iisalwasaraha rasmiga ah ee itoobiya.
     
    Hase yeeshee intuu xukunka hayay waxaa dhacay arimo fara badan oo is xigxigay kuwaasoo dib u dhac iyo dhibaato ku noqday Dadka iyo Dowlada itoobiya.
     
    Arimahaas ayaa waxaa laga xusi karaa dhawr arimood oo kala ah:-
     
    1.Musuqmaasuq baahay.
    2-Nabadgalyadii oo xumaatay.
    3.Maamul xumo baahday.
     
    Arimahaas oo itoobiya ku cusbaa kadib xisbiga talada hayaa gaar ahaan Gudiga Fulinta shir deg-deg ahaa oo ay galeen bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay waxay isla qireen in ay masuuliyada dhibaatada wadanka ka dhacday ay iyagu leeyihiin,waxayna isla garteen in ay xaliyaan talaabo deg-deg ahna qaadaan.
     
    Kulankaas iyo qirashada faashilka taagan ee laysla gartay waxay miiska soo saartay sida wax loo saxayo iyo halka ay ka bilaamayso,waxaana la go’aamiyay in hogaanka dalka ugu sareeya masuuliyada dhibaatada dhacday uu leeyahay,isla markaana uu hogaaminta talada dalka wareejiyo.
     
    Sidaa ayuuna Ra’isalwasaare Desale ku khasbanaaday in uu Xaafiiska iska casilo.
     
    Hadaba dib usaxida nidaamka dowladeed ee itoobiya ee habacu soo galay kuma eka oo kaliya hogaanka sare ee dalka ee waxay socon doontaa ilaa heer Kilin.
     
    Waxaa la filayaa Todobaadyada soo socda in sidaanoo kale ay isku casili doonaan Wasiiro,Agaasimayaal,hogaamiyayaal Dowlad Deegaameed iyo saraakiil Ciidan.
     
     
     
     
     
    Saamaynta Qowmiyada Tigreega ee dib usixidan?
     
     
    Guud ahaan is casilaada Ra’iasalwasaare Desale Tigreega oo gacanta ku haya awooda Ciidamada Milatariga iyo Sirdoonka dalka laguna xanto in ay jecel yihiin qof magac uyaal ah oo ay ku dul maamushaan wadanka waxaa la ogaan doonaa in ay uga rayso iyo in kale iscasilaada Desale shaqsiga badali doona ee hogaanka uqaban doona itoobiyada dib loo hufayo.
    .
    Dhanka kale Ururka TPLF ee Tigreega ayaa wada dib uhufid xoog leh waxayna eryeen Dad fara badan oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
     
    Dadkaas la eryay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Ururka TPLF ahna Madaxweynihii kilinka qowmiyada Tigreega,Haweenaydii uu ka geeriyooday Ra’isalwasaarihii hore ee itoobiya Meles Sanawi Aseb Mesfin ,Madaxweynihii hore ee kilinka Tigreega Abbay Weldu iyo Dad kaloo fara badan.
     
    Tigreega ayaa doortay Gudoomiye iyo Madaxweyne Cusub waxayna udoorteen Wasiirkii hore ee isgaarsiinta itoobiya DR. DEBRAZION GABRE MIKAEL.
     
    Qowmiyada Somalida iyo saamaynta dib uhufida?
     
     
    Xagga Qowmiyada Somalida waxaa jirta arimo ugaar ah oo lagu eedeeyey ciidanka gaarka ee Police-ka ee loo yaqaan Liyuu Police,kuwaasoo ay ka mid yihiin layn Dad Oromo ah iyo kuwo fara badan oo gaaraya 800 oo qoys oo la bara kiciyay Guryahoodiina la gubay.
     
    Ilaa iyo hadana waxay Maxkamadi amartay in lasoo xiro 38-qof oo ka mid ah Xukuumada Somalida itoobiya ee heer kilin,heer gobol,heer Degmo iyo heer Qabalee (tuulo) saraakiisha ciidanka Liyuu police-ka iyo Dad caadiyaba,kuwaasoo lagu eedeeyey inay colaadaa ka qayb qaateen,.
     
    38-daa qof 9-qof oo kamid ah weli laguma dhiiran in amarka Maxkamada lagu fuliyo,iyadoo ay ku jiraan madaxda sare ee Kilinka Somalida,sidoo kale lama sadaalin karo sida dib uhufidan usaamayn doonto,balse 29-ka qof ee kale waa lagu fulin doonaa amarka Maxkamada todobaadyada soo socda.
     
    Sidoo kale waxaa xabsiyada laga sii dayaay Dad mucaaradnimo u xirnaa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen laba Nin oo lagu kala magacaabo:-
     
    1.Cabdillahi Qaasin oo reer Godey ah
     
    2.Maxamed Maxamuud oo reer Liibaan ah.
     
    Saxafaada gudaha iyo tan Dibada ee Itoobiya ayaa lagu cadeeyay in Somalida Itoobiya ay ku lug leeyihiin Kootarabaan iyo Jaad iyo lacag doller-ka Maraykanka ah oo ay dalka dibbadda looga saaro.
     
     
    Qowmiyada Oroma-da iyo saamaynta dib uhufida?
     
     
    Waxaa xusid mudan in ismaamulka Oromada laga qabqabtay illaa 100-qof Dad ka badan oo Kulug yeeshay collaada Somalida.
     
    Sidoo kale dib uhufidan,ayaa saamayn xoog leh ku yeelan doonta masuuliyiinta Kilinka Oromada ee heer Kilin,heer,Gobol,heer Degmo, iyo heer qabale(Tuulo).
     
    Waxaa sidoo kale Xabsiyada laga sii daayay 800 oo qof Dad ku dhow oo qayb ka ahaa kacdoonkii iyo mudaahaardyadii gilgilay labadii sano ee lasoodhaafay dalka itoobiya,kuwaasoo ka tirsanaa mucaaradka isbadalka doonka ah
     
    Iyadoo la og yahay in Madaxweynaha aan awooda badan lahayn ee itoobiya uu kasoo jeedo Qowmiyada Oromada hadana wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu ra’isalwasaaraha badali doona Desale ka imaan doono iyaga si loogu qaboojiyo kacdoonkooda xooga badan,inkastoo warkaas uusan xoog badnayn.
     
    Isku sòo wada duuboo is casilaadan Ra’isalwasaare Desale lafili maayo in ay tahay mid isaga ka timid ee waa qorshe dib uhufid iyo sixitaan xaaladda wadanka itoobiya lagu saxayo ka timid.
     
    Waxaa sixidan wada ururka EPRDF kaasoo uyeertay xubnihii hawlgabka ka noqday, sida Siyum Mesfin,Dr Kazu Ilala,Addisu Leggese iyo rag badan oo aan xil hayn hadda waxuuna Xisbigu isla qaatay in Wadanku dumayo hadaan talaabo deg-deg ah oo xoog leh la qaadin.
     
     
     
     
     
     
     
     
    WD.Jibril Qoobey.
    Halkan ka daawo muuqaalka iscasilaada Rw Desale
    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/02/28074594_158974901424271_1920322819124625408_n.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.