Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socotaa xaalada Bosaso Ee Maanta?
    Somalia

    Maxaa kala socotaa xaalada Bosaso Ee Maanta?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa banaanbax ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso oo ay bilaabeen koox dhalinyarro oo aan badnayan & Ganacasatada waratada loo yaqaan qaarkeed,
     
    Kooxahan ayaa ah kuwo lasoo abaabulay waxayna isku dayeen in ay xoog ku galaan oo fawdo ka abuuraan xarun dowladu leedahay waxaase iska caabin kala hor yimid ciidamada amaanka eee goobtaas ilaalinayay.
     
    Rasaasta dhacday ee labada dhinaca dhexmartay ayaa keentay in uu dhinto hal qof,sidoo kale uu dhaawacmaan sadex qof kale.
     
    Rabshadahan saakay dhacay ayaa sidoo kale kalifay in ganacsigii magaalada uu hakad ku yimaado,balse goor danbe ayuu dib u furmay.
     
    Laamaha amaanka Bosaso ayaa hada ku jira shir ay uga tashanayaan adkaynta amaanka iyo ka hortaga kooxahan lasoo abaabulay shirka ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan go’aamo amaanka lagu xoojinayo..
     
    Dhanka kale Xalay waxaa darbiga danbe ee dhismaha Xawaalada Amal Bank Bosaso lagu tuuray bam gacmeed kaasoo aan dhalin haba yaratee wax khasaara ah,
     
    Wararka laga helayo bamkaas ayaa sheegaya in ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Alshabaab,iyagoo ujeedkoodu uu ahaa in ay bajiyaan Shirkada si ay ubixiso lacag baad ah oo ay ugu yeeraan Sakaawaat.
     
    Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ayaa lacago baada ah ka qaada ganacsatada Koonfureed,balse Ganacasatada Puntland ayaa iska diiday lacagtaas dhagahana ka furaystay fariimo hanjabaada oo ay usoo direen dhawr jeer,isla markaana ku wargaliyay laamaha amaanka ee dowlada Puntland.
     
    Ciidamada Amniga Puntland ayaa xalay ilaa maanta waxay xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Bosaso ka wadeen hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.
     
    Bartilmaameedka iyo ujeeddada hawlgalkan ayaa ah soo qabashada xubno ka tirsan ururada argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya gudaha magaalada Bosaso; Intii hawlgalkani socday ciidamadu waxay gacanta ku soo dhigeen rag lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland lana marsiin doono baaritaano.
     
    Ciidamada Amniga Puntland ayaa habeen iyo maalin ku hawlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga shacabkooda; waxayna ugu baaqayaan shacabweynaha reer Puntland in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee Puntland si loo sugo amnigooda loogana hortago falalka argagaxisinimo ee kooxaha cadowga ah.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.