Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni & Safiirada Beesha Caalamka ? (VIDEO)
    Puntland

    Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni & Safiirada Beesha Caalamka ? (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 29, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.

    “Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/571182993726832

    Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.

    Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.

    Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.

    Kulanka Madaxweynuhu la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.