Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa la gudboon G.Doorashada haduu hirgeli waayo qorshahoodu ?
    Somalia

    Maxaa la gudboon G.Doorashada haduu hirgeli waayo qorshahoodu ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaan isha mariyey. Su’aalo waa weyn oo mudan in guddigu ka jawaabo ayaa warbixinta ka dhalanaya. Hayeeshee warbixinta aan idiin guud maro.

    Guddigu, waxa uu soo jeediyey labo (2) hab oo doorashado ku qabsoomi karto, ayada oo wakhti badan lumin.

    1) Doorasho diiwaangelin rasmiya oo kalsooni iyo keyd leh (biometric), kuna qabsoonta August 31, 2021. Waa muddo saddex iyo toban (13) bil ah.

    Habkaan waxa ku baxaya lixdan iyo sagaal iyo lix boqol (69,600) oo malyuun maaliyad ka badan. Lacagta ayaa iskugu jirta mushaaraad, diiwaan gelin, maareynta codbixinta iyo qoondooyin kale. Jadwalka iyo wadiiqada lagu gaarayo habkaan ayaa ku jaan go’an July 2, 2020 ilaa September 30, 2021.

    2) Doorasho diiwaangelinteeda qalin rasaas iyo warqad qoyi karta lagu qabanayo, kuna qabsoonta March 31, 2021. Waa muddo sagaal (9) bil ah.

    Afartan iyo lix (46) malyuun ayaa habkaan u baahan yahay. Sida habka hore madaxyada dhaqaalaha loo baahan yahay waa isku mid. Hayeeshee, lacagta ugu badan ayaa ku baxaysa diiwaangelinta codbixiyaha iyo codbixinta. Habkaan diiwaangelinta ayaa qaadanaysa lacag ka badan shan iyo labaatan (25) Malyuun.

    Guddigu, waxa uu qorsheeyey in saddex (3) malyuun oo Soomaali ah coddeyso, shan (5) kun oo goob codbixin la sameeyo. Goob kastana ka codeyso lix (6) boqol oo codbixiye. Lagana maamulo shan (5) boqol oo xaruun.

    Labada hab iyo jadwal, deyro la wada diidi karo maahan. Hayeeshee su’aalaha aysan guddigu ka jawaabin ayaa ah;

    1) Guddigu shan (5) sano ayuu shaqeynayey, wax u diyaarsanna ma lahan, ma saddex iyo toban (13) bil oo hartay ayey masuuliyaddaas uga soo dhalaali karaan?

    2) Muddo xilleedka Guddiga, July 22, 2021 ayey ku egtahay. Sharciga waxa uu dhigayaa in aan muddada loo cusbooneyn karin ee sidee la yeelin?

    3) Guddigu, sida sharciga doorashooyinku qabo, warbixinta fadhi wadajir ah oo labada Aqal fadhiyaan ayey ahayd in ay siiyaan. Maanta Golaha Shacabka, oo keliya ayey u warameen. Sidee doorasho lagu kalsoonyahay oo Soomaali oo dhan aqbasho, ku qabanayaan?

    4) Lacagta iyo agabka doorashada, meelna kuma oga Guddigu. Haddii la waayo dhaqaalahaas, maxaa u qorsheysan?

    5) Qorshaha saddexda (3) malyuun ee codbixiye, haddii ay hirgeli waydo, maxaa la gudboon guddiga?

    W/Q: Mahad Gelle

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.